Ayadoo ay 6 isbuuc oo keliya ka dhiman tahay doorashada baarlamaanka Sweden ayaa xulufada Xisbiyada talada haya ay u muuqdaan kuwo hogaanka u haya ololaha doorashada. Afarta xisbi ee kala ah moderatka, xisbiga dhexe, liberalka iyo kuwa lagu magacaabo Christian democratka oo ah xulufada talada wadanka haysa ayaa ololaha ku hogaaminaya 49%. Xulufada mucaaradka oo ka kooban xisbiyada Soshalka, Xisbiga bidixda iyo Xisbga cagaaran ayaa ka daba dhow oo hada haysta 46%. Xisbiga fog ee lagu magacaabo Sweden democrats ayaa hada haysta 4% ayadoo laga yaabo in ay kursi ka helaan baarlamaanka. Xisbiga Soshalka ayaa u muuqda mid aan si fiican u soo kaban ayadoo dadka ay filayeen in uu sidaan ka wanaagsanaado. "Waxay u muuqataa in ay ka liitaan sidii 2006, ayadoo sanadkaas loo arkay masiibo ku habsatay xisbiga Socialka. Heerka ay hada joogaan waa mid aad u hooseeya, ayadoo xitaa aysan ahayn xisbiga ugu wayn wadanka oo ay horey u ahaayeen" Ayuu yiri Toivo Sjörén oo ah madaxa cod bixinta hay'ada Sifo. Balse wargeyska Svenska Dagbladet ayaa ka digay tirada cododka ay soo bandhigtay Sifo ayadoo laga yaabo in 6 isbuuc ee dhiman ay wax badan isku badalaan. Xigasho: The Local

Doorashada Sweden iyo tartanka xisbiyada

Ayadoo ay 6 isbuuc oo keliya ka dhiman tahay doorashada baarlamaanka Sweden ayaa xulufada Xisbiyada talada haya ay u muuqdaan kuwo hogaanka u haya ololaha doorashada.

Afarta xisbi ee kala ah moderatka, xisbiga dhexe, liberalka iyo kuwa lagu magacaabo Christian democratka oo ah xulufada talada wadanka haysa ayaa ololaha ku hogaaminaya 49%.

Xulufada mucaaradka oo ka kooban xisbiyada Soshalka, Xisbiga bidixda iyo Xisbga cagaaran ayaa ka daba dhow oo hada haysta 46%.

Xisbiga fog ee lagu magacaabo Sweden democrats ayaa hada haysta 4% ayadoo laga yaabo in ay kursi ka helaan baarlamaanka.

Xisbiga Soshalka ayaa u muuqda mid aan si fiican u soo kaban ayadoo dadka ay filayeen in uu sidaan ka wanaagsanaado.

“Waxay u muuqataa in ay ka liitaan sidii 2006, ayadoo sanadkaas loo arkay masiibo ku habsatay xisbiga Socialka. Heerka ay hada joogaan waa mid aad u hooseeya, ayadoo xitaa aysan ahayn xisbiga ugu wayn wadanka oo ay horey u ahaayeen” Ayuu yiri Toivo Sjörén oo ah madaxa cod bixinta hay’ada Sifo.

Balse wargeyska Svenska Dagbladet ayaa ka digay tirada cododka ay soo bandhigtay Sifo ayadoo laga yaabo in 6 isbuuc ee dhiman ay wax badan isku badalaan.

Xigasho: The Local

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...