Doorashadda kaniisadaha ee 2017-ka: Xisbiga SD oo doonaya ineey ku soo baxaan

0

Bishan eenu ku jirno 17-keeda, ayaa waxaa dalkaan Iswiidhan ka dhacaya doorashadda kaniisadaha,xisbiga xagjirka ah ee  SD ayaa haatan bilaabay ineey doorashada u diyaar garoobaan si ay ugu soo baxaan. Hogaamiyaha xisbigan oo ka hadlaya sida xisbigiisa doorashadda ahmiyad ugu leedahay ayaa sheegay in uu doonayo in doowrka kaniisaduhu noqdaan kuwo muuqda.

Dad lugu qiyaasay shan malyan oo dadka reer Iswiidhan ah ayaa xaq u leh in ay ka qeyb qaataan codbixinta kaniisadaha, hase ahaatee waxaa inta badan ka qeyb qaata tiro aad u yar. Doorashadii kaniisadaha ee la qabtay sanadkii 2o13-kii ayaa waxaa ka qeyb qaatay 12,%8 boqolkiiba taas oo ka dhigan 700.000 . Sidaa daraadeed ayuu xisbigani waxaa uu diyaariyey 1000 magac oo uga qeyb gala doorashadaasi.Hogaamiyahooda ayaa ku tilmaamay mid uu xisbigiigu ku doonayo ineey noqdaan xisbiga keliya ee ka muuqda.”Waan la wareegeynayaa” ayuu yiri.

Xisbiga SD oo xilligan ah xisbiga 3aad ee ugu weyn dalka, ayaa waxaa uu leeyahay aragti afkaariisa ay u fog tahay, waaana xisbi caan ku ah naceeybka ajaanibta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here