Doorka wadaadada iyo nolosha Sweden

Iyadoo wadaadadu ahaayeen marjaca loo noqdo markii arin laysku qilaafo ama ay timaado arin lagu wareersanyahay ayaa wadaadada maanta ku nool Sweden waxay noqdeen kuwo iyaga laga cararo ka dib qilaafaadka iyo fatwooyinka lidiga isku ah ee ay bulshada siiyaan.

Qilaafaadka wadaadada ayaa gaaray in xitaa ay ku heshiin waayeen dhisida masaajida iyo tukashada salaada. Xaafadaha ay soomaalida u badantahay ee Stockholm ayaa waxaa ka taagan qilaafaad balaaran oo ku saabsan cida maamulaysa masaajida halkaasi laga dhisayo, iyadoo koox waliba doonaysa in ay masaajidka gaar u maamusho. Koox markaad u tagto ayay ku leeyihiin kuwaasi waa bidco iyo waa shiico, halka kuwa kale ay kuu sheegayaan in kuwa kale  ay yihiin Qawaarij. Isqabqabsiga wadaada ayaa wiiqay doorkoodii iyo magacii ay ku lahaayeen bulshada dhexdooda.

Hogaankii ay laahaayeen wadaadada ayaa la dareemi karaa in uu meesha ka maqanyahay marka aad aragto dadka caadiga ah oo ka doodaya arimaha diinta. Wadaadada ayaa qaasatan wadankaan waxaa soo wajahay xaalado aysan horay u aqoon oo la xiriira arimaha shaqada, qilaafaadka qoyska iwm. Wadaadada ayaa midwaliba waxa uu bixinayaa fikrad u gaar ah. Su’aalaha badan ee dadku is waydiiyaan ayaa waxaa ka mid ah: Maka shaqayn karaa shaqadaan? Lacagtaas ma qaadan karaa? Deymaha? iwm. Wadaadada qaar ayaa dadka u baneeyay qaadashada daymaha.

Talooyinka isqilaafsan ee ay bixinayaan wadaadada ayaa keenay jahwareer ay ku suganyihiin Muslimiinta iyo xitaa gaalada lala macaamilo. Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii la basaasay masaajida ugu waaweyn Sweden oo fadeexad ka dhalatay ka dib markii wadaadada masaajida ay talooyinka laga yaabay siiyeen haweenkii u tagay. Arintaas ayaa waxaa ka sii darin in wadaadadii la basaasay ay hadalo ka duwan kuwii ay u sheegeen dumarka ku hadleen markii saxaafadu la kulantay.

Ujeedada aan ka leeyahay mowduucaan waa in aan ka doodno doorka wadaada ku nool Sweden. Maka soo bexeen hawshoodii? Waa maxay sababta keentay qilaafaadka badan? Wadaadadu ma u noqon karaan dhalinyarada tusaale, haddii ay iyagu shaqo la’aan yihiin oo ay cayrta wax ka qaataan? Ma awoodaan wadaadadu in ay talooyin bixiyaan haddii aysan si fiican u aqoon sharciga Sweden balse ay diinta ku wanaagsanyihiin?

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Mama says:

    Asc walal maxa horay looyiri aakhir zamanka dinta way farabadaneysa marka Aniga waxan uran laha inta halmeel laiskuga keeno hada wareysto tankale maogtihiin sheik tiintA waxaynan aheeen kasheego asiga aya barito ilah subhanahu watacala weydinaya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Dooyaale says:

    Culumuadu waa Dhaxal Wadayaashii Rasuulka .

    Haddii aysan jiri lahayna , maanan aqooneen waxaan naqaan ALXAMDULILLAAH. Dawlad Islaami ah haddeey jiri lahayd , wadaadka Dacwada ka faafinaa dhulalka gaalada biilkiisa way kafaalo qaadi lahayd , laakiin nasiib daro maadaama aysan jirin arintaa wadaadka waxaa kusoo baxaa culeys ah inuu DACWADIINA guto , reerkiisana masruufo.

    Halka anaga aan kaliya nafteena ku dadaaleyno , laakiin wadaadada culeyska heysta halala dareemo.

    Masuuliyad diimeed ayaa saaran , waqtigiisii ayuu 2 u qaybshay .

    Teeda kale dhalinyarada haddii aysan wadaada ku daysan ma aqoonyahan nin sheegta oo sharciga SWEDEN xifdiyay , laakiin aan salaada tukan ayay ku daysadaan ama aan waxba diinta ka aqoon.

    Haddaa sharciga gaalada wax ka waydiisana kuu kala dhig dhigaa , laakiin Diinta Islaamka aad wax ka waydiido , madaxa xoganaa !!

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. Adbdiwahid says:

    Waad salaamantihiin dhamaan tan 1aad waxaad ogaataan sharciga sweden iyo kan diintena suuban ineysan iskumid aheen wadadada ayagana isku mid ma ahan sababtoo ah xitaa salaada isaga mid ma ahan taasi waxaa keenay waxey ku kala duwan yihiin nusuusta qaarkood waxaa wanaagsan sida nabiga uu inoo sheegay (waxa qaadataa inta ka anfacdo waxana ka tagtaa wixii ku dhibo) tankale diintena islamka wa diin nabad galyo waana sharciga ugu sareeyo aduunka sweden na waa wadan looga dhaqmo diin kale lakin waxaad ogataan qof waliba diintiisa inuu xur u yahay haka caajisina inaad culimada la tashataan wixii idin anfacana aad ka qaadataan wixii kalena ka tagtaan ilaheyna ka cabsataan………

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Diirshe says:

    Jimcaale aniga waxaan oran lahaa hal fatwo oo uu maamulo golaha yurub ee fatwada iyo baarista baa ka jira yurub xaruntiisu tahay Dublin Ireland culimo waaweyn baana maamula wadamada carabta iyo yurub ku kala nool isaga hada bilashada ramadaanka iyo iida laga qaataa iyo wixi ku saabsan guryo gadashada iyo jaamacad dhigashada lacageed iyo bangiyada wixi ku saabsan iyo cibaadaadka isbedelka xiliyada iyo salaad tukashada dhakhaatiirta qaliinka ka shaqeesa iyo jimce iyo salaad tukashada ardeyga iskuulka dhigta iyo kan jaamacada intaba iyo shaqooyinka yurub laga shaqeesto haday xalaasha iyo xaaraanta ay xalaasha badan tahay in dukaankaas laga shaqeen karo ama maqaayadaas intuu qofka gacmo hoorsan lahaa ceyr qaadan lahaa uu ka shaqeen karo shaqooyinka waayeel xanaaneenta service-hus masaajid badan oo yurub fatwooyinka golahaas yurub ee fatwada ayey ka qaataan soomaalida qeyb kamida xataa marka laga reebo qolyaha wahaabiyada ee jecel iney yurub ugu noolaadaaan sida sacuudi carabiya taasoo suurta gal aan ka ahayn yurub sida hada ka hor ka dhacday maqaayad ku taala paris fransiiska ay dhalinyaro wahaabi soo galeen iyagoo qado dalbaday deedna miisaskii iyo kuraastii iska durjiyey dhulka fariistay fargeetooyinki iyo mindiyihi cuntadana iska leexiyey gacantooda ku cunay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. Mohammed says:

    ASC , HEE DHEH MAANTANA DANTU MA WAXAY KAA GASHAY WADAADA, SHALEY MARKII RASSUUL S.C.W LA AFLAGAADEEYEY WAXAAD TIRI ” HA LA AAMUSO” YAHUUDANA WAXAAD TIRI HALA AMAAN GALIYO.

    KAALEY ADIGA WAANBA KAA SHAKINEE MAXAAD TAHAY UJEEDA DAADUSE MAXAY TAHAY WAR HEE DHEH MARKAAD DHALIN YARADA WANAAGSAN AAD AAD WAX KA SHEEGEYSO MA WAXAAD RABTAY INAY RAACAAAN WAX ADIGA AMA NOOCAAGA OO KALE AH MISE ADIGA SIDAADBA WAXAA KU DHIBAYA KALIMA AH ” WAXAANI WAA XAARAAM IYO ALLE HALA GA CABSADO”

    QUR’AANKA KARIIMKA AH WAXAA KU QORAN AAYADA DHAHEYSA IN DADKA GAALADA AH IYO KUWA JECEL INEY MUSLIMIIINTA CEEBAHOODA SHEEG SHEEGAAN INAY U DAMBEYNEYSO OO AY GALAYAAN NAARTA MEESHA U HOOSEEYSA ” INAL MUNAAFIQIINA FI DARKIL ASFALI MINA NAARI” WALAAL IILAAH KA CABSO CULIMADA KALEEXO EE MEELAHA KALE WAX KARAADSO .

    AFKAAGA U BAQ IYO ADIMAHAAGA ILAAHEY WUU AWOODAA INUU CALAAMAD DEG DEG AHI UU KAA SOO SAARO. XAQA ALLAHA KU TUSO ADIGA IYO INTII LUNSAN WSC.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. Dooyaale says:

    Wadaadada ,, Moderat-ka ah ee leh casriga yurub hala jaan qaado , fatwooda guryahooda haku maamushaan .

    Wax Allaah waajibiyay , miyaa wadaad laga yeelaa hala daayo ??

    Tusaale , Jimcaha , waa waajib aayad quraana kusoo aroortay.

    Xaaraamta , in laga shaqeeyo dukaan Khaansiir , ama khamri ,, Kawaran haddaa kaasada fadhido oo aad qaansiirka gadeyso ??

    Wadaad aa ii baneeyay aakhiro yaa kaa warsanaa , war Allaah ka yaaba ….

    Kana digtoonaada culumda reer yurub tarbiyaysteen oo ay rabaan in Demoqraadiyada iyo Diinta la is waafajiyo ….

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Cajiib says:

    Qofkii doonaya Sharciyada islamka ha aado wadamada islamka.

    Qofkii Doonaya nolosha Europe iyo reer galbeedka, hajoogo.

    Waa maxay dhibka jira?.

    Islam waa laga gudbey waQtigiisii.

    Noloshu waa socotaa.

    Casriga cusub ayaa goáaminaya nolosha.

    Waxba kama qaban kartaan. Waa arimo idin kaweyn.

    Wadamadiinii ayaa soo rogteen.

    Wadaadku waa bila aadam, waxa uu eeganayaa dantiisa gaar ahaaneed.

    Wiilka iskaleh pageknan Somaliska yaan la maagin, ee halagu taageero howshiisa.

    Warbadan wax mataro.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  8. Dooyaale says:

    Haddaa Casriga ka Raacday , Diintaada Ineey nasoo raacaan maahane Raaci meyno InshAllaah..

    Dameeri dhaan raac ayaan maqli jiray , wax walbaa inaa raacdo maahan . Arzaaqda Allaah bixiyay haddaan YURUB ku helno waan ka Mahadnaqaynaa ee Gaalo nama siin Allaah ayaa na siiyay.

    Wax Alle i siiyay GAALO oo dhan haddeey isku tagto iima diidi karto ,,, Wax Alle Iga reebayna , haddeey gaalo oo dhan isku tagto ima siin karto ….

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0