Dowlada cusub oo samaynaysa isbadalo la xiriira shaqada

Warbaahinta Sweden ayaa saaka qortay warbixin ku saabsan isbedalo cusub oo xulufada dowlada cusub ay ku heshiiyeen in lagu sameeyo arimaha la xiriira shaqada, sida in la kordhiyo lacagta A-kassa, lacagta jirada iyo in laga taqaluso mashruuca Fas 3 ee ay ku jiraan dadka mudada dheer shaqo la’aanta ahaa.

Qorshayaasha cusub oo la filayo in la soo bandhigo isbuucaan ayaa ah kuwo la wada sugayay, iyadoo xisbiga Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) ay horay u balan qaadeen in la kordhin doono A-kassa iyo in la xiri doono Fas 3 oo cabasho badan ka timid. Socialka ayaa sidoo kale balan qaaday in la kordhin doono lacagta caruurta ee Barnbidrag balse wali ma cada in taas ay ku heshiiyeen.

Dowlada cusub ayaa sidoo kale bilaabi doonta mashruucyo waaweyn sida dhismayaasha wadooyinka tareenada, taasoo lagu doonayo in lagu abuuro shaqooyin cusub. Stefan Löfven ayaa la filayaa in jimcada uu soo magacaabo wasiirada cusub iyo in baarlamaanka uu ansixiyo.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. mulki says:

    Dawlada cusub wan so dhawaynayna inchalla alle ha noga dhigo mid khayr nogu jiro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. mulki says:

    dhigo mid khayr nogu jiro

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. um alwalid says:

    aamiin yaa rab

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. luul says:

    asc kuli muslimiinta
    dowlada sida ey wax u balan qaaday ma u wada qaban doontaa?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. mandeeq says:

    waa balamo fican Ilahay barkoda san hana soo xijiyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0