Dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet oo heshiis ka gaaray dadka sharciga loo diiday

15

Dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa heshiis ka gaaray sida loola tacaalayo dadka sharciga loo diiday. Heshiiskaan ayaa ku saabsan in aan labo bilood ka badan xabsiga lagu hayn karin qofka sharciga loo diiday ee la celinayo.

Heshiiskaan ayaa qaasatan quseeya dadka sharciga loo diiday ee si iskood ah aan uga bixin Sweden. Dadka nuucaas ah waxaa lagu haynayaa xabsiga ugu badnaan labo bilood oo haddii uu diido in markaas ka dib la dhoofiyo waxaa la hayn karaa ilaa 12 bilood.

Sidoo kale heshiiska ayaa sheegaya in qofka sharciga loo diiday ee aan 2 ilaa 4 isbuuc gudahood Sweden uga bixin in laga mamnuuco in uu dib uu soo booqdo Sweden ama wadamada laysku yiraahdo Schengen. Dhinaca kale waxaa lagu heshiiyay in tixgalin gaar ah la siiyo dadka ay la socdaan caruurta.

Heshiiskaan ayaa ka dambeeyay ka dib amar ka soo baxay midowga Yurub oo si wadajir ah u qeexaya sida dhamaan wadamada Yurub ay ula tacaalayaan dadka sharciga loo diiday.

Xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada ayaa bilowgii sanadkaan heshiis ku gaaray in ay ka wada shaqeeyaan arimaha Socdaalka. Waxay horey heshiis uga gaareen mideynta reeraha Soomaalida oo bilaaban doonta bisha July ee sanadka 2012.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here