Dowlada KMG & Sweden oo ka wada hadlay baasaboorka Soomaaliga

18

Madaxa Waaxda socdaalka iyo jinsiyadda dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Gaafow Max’ud ayaa soo gaaray wadankan Sweden oo ay Soomaalida ku dhaqan mudaba ka cabanaysay sida loola dhaqmo, marka laga hadlayo dhanka sharciga wadaninimo iyo mudada ay ku qaataan.

Warar ku dhaw-dhaw Gaafow oo aan ka helanay ilo lagu kal soonaan karo ayaa sheegaya in wakiilku sharaxaad dheer oo ku saabsan sida loo qaato baasaborka Soomaaliga ah uu siiyey Laanta Cocdaalka wadankan Sweden (Migrationsverket) oo mudo dheer aan aqoonsanayn boosaborka soomaaliga ah iyo dhamaanba dokumintiyada dowliga ah ee Soomaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sweden si fiican ugu qanacday oo ay soo dhaweysay habka ilaalsan oo loo baxsho baasabor Soomaaliga cusub oo Electronic-ga ah, laakin ay dalbadeen in ay arkaan dokumintiyadii muujinayay aqoonsiga Talyaaniga oo ah dawladii koowad oo Yurub ah oo aqoonsata baasaborka.

Wakiilkaan ka socda dowladda KMG ayaa maanta wadahadal u jooga xarunta ugu weyn ee laga maamulo baasaborada Sweden kuna taal magaalada Västerås.

Maalmahan waxaa socday dadaal si wanaagsan ku socda oo Soomaalida looga qaadayo go’aan aad u adkaa oo ay soorogatay Maxkamada sare ee Laanta Socdaalka sanadkii na dhaafay bilawgiisii. Dadaalka ayaa hadana waxaa dhankeeda uga soo biirtay dawladda Somaaliaya oo hadii ay ku guulaysato in ay Sweden ku qanciso in ay aqoonsato baasaboorkeeda u ah sharaf weyn oo diblumaasiyadeed shacabkana wax wayn u tarilahayd.

Dawladda Sweden waxay si buuxda u aqoonsantahay Dawladda KMG ee Soomaaliya,laakin wali maysan aqoonsan baasaboorka ay soosaarto.

Saciid Cabdi Cusmaan, Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here