Dowlada Sweden: Ma joojin doono qaabilaada qaxootiga

4

Dowlada Sweden ayaa cadeysay in aysan marnaba hoos u dhigi doonin tirada qaxootiga ee wadanka uu qaato. Wasiirka dhaqaalaha Sweden Anders Borg ayaa cadeeyay in Sweden aysan “albaada ka xiri doonin dadka caawimaada u baahan”.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay filayaan in bilaha soo socda ay tirada qaxootiga kor u sii kacdo oo isbuucii 2500-3000 qof ay wadanka iska dhiibaan. Waxa uu intaas ku daray in qarashka ku baxaya qaxootiga uu cirka isku shareeray balse aysan taasi keeni doonin in wax laga badalo siyaasada magangalyo doonka ee wadanka u degsan.

Wasaarada dhaqaalaha ee uu hogaamiyo Anders Borg ayaa ku qiyaasaysa qaabilaada ku qaxootiga in ay ku baxayso balaayiin karoon. Iyadoo sanadka 2017 ay gaari doonto 12 bilyan oo karoon. Dowlada ayaa qorshaynaysa in ay siyaadiso canshuuraha qaarkood si loo daboolo qarashka ku baxaya qaxootiga.

Siyaasada dhaqaalaha ee dowlada ayaa waxaa dhaliilay xisbiyada mucaaradka, iyagoo ku doodaya in shaqo la’aanta wadanka ay siyaaday ilaa iyo markii ay qabsadeen hogaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here