Dowlada oo adkaynaysa qaadashada baasaboorka haddii uu kaa lumo

Dowlada Sweden ayaa maanta soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu adkaynayo bixinta baasaboorka iyo mamnuuc la saarayo in lagu biiro ururada argagixisada loo aqoonsaday. Dowlada ayaa sheegtay in si loo yareeyo dadka baasaboorka bugta ah ku soo gala wadanka in la adkayn doono in baasaboor la siiyo qofkii sheegtay in baasaboorka ka lumay.

Qorshahaan cusub oo ay isku raaceen dhamaan xisbiyada dowlada iyo mucaaradka marka laga reebo xisbiga Bidixda ayaa waxaa ugu muhiimsan in qofka uusan baasaboor cusub dalban karin 3 jeer ka badan shantii sano. Waxaa sidoo kale dambi laga dhigay ku biiritaanka ururada argagixisada loo aqoonsaday sida ISIS, Al-shabaab iyo kuwa la mid ka ah.

Dowlada ayaa sidoo kale fasax loo siiyay in ay isticmaasho kaamirooyinka si ay ula socoto dhaqdhaqaaqa shacabka iyo sidoo kale waxaa degmooyin lacag lagu siin doonaa sidii ay uga hortagi lahaayeen dhalinyarada in xagjir laga dhigo. Waxaa kale oo qorshaha ku jira in lacagta taageerada laga goosto masaajida looga shakiyo in ay faafiyaan xagjirnimada.

Guud ahaan qorshahaan cusub ayaa ujeedada tahay in kor loogu qaado amaanka wadanka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. Um Alwalid says:

    Sc ayaantaan webka waan ka caajisay sababtoo ah istres ayaa ihaayey alxamdulilaah hada xoogaa niyada wey degtay shalay ayaa ogolaashaha la iisoo tuuray alxamdulilaah waa ilaahay mahadiis inta dhimanne alaha usoo saqiro amuurtooda

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 0

  2. Somali says:

    Walaal ma sharci baa lagu siiyay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. cabdi casiis says:

    ASC ma fahmin (3 jeer kabadan madalban karo baasaboor cusub 5 sano) ?

    Ma waxaaa kawadaa haduu kaa dhumo baasaboorkaada laguuma ogolaan doono inaad dalbato baasaboor cusub 3 jeer kabadan 5tii sanaba ???

    Mahad sanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Um Alwalid says:

    Somali walaal sharci waan qabaa alxamdulilaah oo xaajigeyga ayaa la ii ogolaaday inuu nala midoobo taasaa ogolaasho leygu siiyey

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  5. Abdulahi says:

    Sual dadka shegtay in ey ku so galen basbor bug ah miya la tix raci dona oo sharciyada lo dida mise arintan wexey quseysa 5 sano gudohod in adan dalban karin 3 mar ka badan basborkada hadi u ka lumo mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Asc ha isiyaan lee anaba iga dhumeyne meqa sanan radinoonaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Cadnan says:

    Masha allaha wll um alwalid meqa aye inigu qadatay inad midowdan adiga iyo xaajigaaga wll mad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. umu faatima says:

    asc umu all walid ilaahy ha kuu barkeyo walashy ma guur danbaa ahyid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Umi fatima says:

    Asc dhaman ikhyarta sharafta leh walalayal su,aal ban rabaa qofkii wax kala socda in aad iiga soo jawaabtaan
    Familigii ayaa la ii ogoladay waxay joogan ethiopa waxan maqlay ganaax ayaa la bixinayaa migrationka addis ababa qiimaha laga qaadayo hooyo ama aabe iyo caruurtooda.iyo meeel kale oo laga soo bxi karo
    Qofkii igu dhaamaa waaa ii muhiim jawaabtiina
    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Sefa diin says:

    Haa walagu yaqana melkalo lagasobaho waa dalka zambabuw meshasi aye fubed ay katahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Salmo says:

    Asc umi fatima waxaan maqlay in laga soo dhoofi karo hargeeso lakin ganeexeeda ayaa yar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. wadani says:

    ASC waa la isku baartaa addis ababa hadaa tahayba somali waxaa lagaa qaadayaa lacag aad ka anxeeyso oodan aqoonin waxee tahay kun doolar kabadan qofkiiba waa ganaax maxee tahay!! qoyskii 10 qof ka kooban waa 10 kun o doolar kabadan !!! alle somali alle u maqan anagana waxan isku haaysanaa qolo qolo meel walba waan nagula gumaadayaa yaa alaah !!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. Um Alwalid says:

    Cadnan walaal waxeey iigu qaadatay 17 bilood.
    Umu faatima wcs , aamiin yaa rab , abaayo guur danbe ma aheyn ee waxaa leygu heystay labo sano islama aadan isla soo nooleeyn wadankaaga hooyo intaadan Sveriges iska dhiibin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. Um Alwalid says:

    Umi fatima abaayo ganaaxa qofkiibe waa 1150$ . Sefa diin rayigiisa ma raacsani sababtoo ah meeshaad ka xareesatay kaliya in laga soo bixi karo ayeey iila tahay oo wadan kale hadaad tagto agteena kama xareeynin lagu dhahaayo waa sida aniga xataa dadka aan ka maqlay marka walaaleey iska hubso tan hargeyso iyadane wey jirtaa oo waan maqlay laakiin ogoow baasaboorka inuu ku qoran yahay soomaaliya laguma aadi karo sidee marka hargeysa shaabada bixida usaari kartaa markii laga soo baxaayo hargeysa .ilaahaa og ee si fiican u wareeyso ilaahay hakuu saqiro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. Umu alwalid
    alle ha idin barakeeyo waadne ku mahadsantahay
    wadaajintaada
    aadan qarsan farxadaada
    Intaa kadib
    Goormee xareeysay???adoo mahadsan
    saad shegtay 2ba sano ayaa la idinko heestay
    waaana waxa kale ee somalida lagu diido xiligaan qaasataan dadka caruurta leh
    Loyer miyaaa qabsatay? ? Mase nasiibkaada ?

    Tan kale
    qeybaha bixitaanka iyo lacagaha ganaaxa ahbo war bixin sax ah kama haayo
    cidiii war bixin kaheeyda hala wadaagan
    walaaalohoooda dhibban
    insh,allah
    jwb um alwalid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. Um Alwalid says:

    Hassan Kaamill walaal waxaan xareeyay 25/6/2014 waxaan dhiiga marnay aniga iyo caruurteey 23/7/2015 alxamdulilaah 9/10/2015 ogolaashaha ayaan helay nasiibkeygaan ku helay oo looyar ma aanan qabsanin laakiin hanleegarada naftaan ukeenay heer ey codkeyga xafido ooy iiga dhahdo helaayo ma tihidoo kkkkkkk.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. Ok aad ayaa koo gartay
    waaana ku mmahasantahay
    Wadaajintaada
    anagana waa heleeynaa insh,allah
    5bil ayaa kaa dambeeyaa dhanka xareynta insha,allah
    nasiib wacan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  18. umu maxamed says:

    Mashalah abayo ilah haku barakeyo rerkada abayo waxan kuweydiye madidmo aya heshay markey kugu hasten labo sano islama adan nolen mase adigo wax didmo helin aya heshay ogolashaha jawab abayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. umu maxamed says:

    Umu walid ayan lahadlay mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  20. Umu fatima says:

    Asc ganaaxi. Ethiopia. Yaa wax wara ka haayo mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  21. ibtisaam says:

    asc walal waxan donayaa inaan kuwediyo waxan ahay ungdum waxan rabaa inaan tago dalkega somaalia so dad ayaa waxay igu dhaheyn hadaad solabato passka lagaa noqsanaa so xaqiiqdana ma aqaano way ficnan lahayd hadii aay iga jawabi karto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0