Dowlada oo baaritaan iyo dib u habeyn ku samaynaysa nidaamka magangalyada qaxootiga

Dowlada Sweden ayaa amar ku siisay Laanta Socdaalka in ay baaritaan iyo dib u habayn Tobias Billström-somaliskaku sameeyaan nidaamka magangalyo doonka qaxootiga. Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa ujeedada go’aankaan ku tilmaamay mid la doonayo in lagu yareeyo waqtiga iyo qarashka ku baxa magangalyo doonka wadanka iska dhiiba.

Migrationsverket ayaa laga doonayaa kama dambays bisha Oktobar 2014 in ay soo bandhigaan qorshe waadix ah oo qofka marka la diido si degdeg ah wadanka looga saarayo, halka qofka sharciga la siiyo si degdeg ah guri lagu dajinayo.

Wasiirka socdaalka ayaa dhibaatada ugu weyn ee haysata nidaamka magangalyada ku tilmaamay dadka sharciga loo diiday ee wadanka ku dhuumalaysanaya, kuwaasoo uu sheegay in ay qarashka ku kordhinayaan dowlada.

Sanadkii 2010 ayay dowlada Sweden samaysay qorshe midkaan la mid ah oo lagu yareeyay waqtiga ay qaadato baaritaanka magangalyo doonka iyadoo balan qaadku uu ahaa ugu badnaan 6 bilood balse hada ay qaadato muddo intaas ka badan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. to jimcale says:

    hadan ka dhibto fikir keyga garka ah wadanka swedan maxuu qabilaa ama shan dhen ku sameyaa umada ku nol oo dib u dajinta lagu sameyaya ayaba xayata xun ku nol mel walbana lagu dhibaa shaqa marka ay dalbadan iska sugayan sanoyin badan ayada oo banana shaqada qofka ka dalbanaya swedan xiligan qaxotinimo waxan filayaa qof walan inuu yahay adun hadii ay ka soo harta aniga lagama yaba inaa ka dalbada swedan qaxoti inta ku nool oo dhibka haysa haka qadan wbt

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. guled says:

    dear jimcaale salan sare sxb ma iiga soo sheegi kartaa meesha lagu soo qoray warkan ina wax jaraaid ah malagu so qoray meelkale oo aan aheen website kaagan oo lagu soo qoray warkan ma jiraa se ma iisoo sheegin kartaa hadii meelkale oo ka akhrisan karo oo warkan iyo wixii arinmanhan ku saabsan aan ka akhrisan karno

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1