Dowlada oo dooneysa in soo galootiga ay shaqo tagaan

11

Isbuucaan waxaa kulan sadexgeesood ah isugu yimid wasiirka Socdaalka Tobias Billström, Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag iyo Wasiirka Shaqada Hillevi Engström iyagoo ka wadahadlay sidii soo galootiga suuqa shaqada loo gelin lahaa.

Wasiirada ayaa ku dhawaaqay in dowlada ay sii laba jibaareyso sidii loo yareyn lahaa shaqo la,aanta haysata dadka soo galootiga ah. Wasiirada Shaqada Hillevi Engström ayaa sheegtay in Sweden aysan ka bixi karin in dad badan ay suuqa shaqada banaanka ka joogaan.

Waxyaabaha la doonaya in xooga la saaro ayaa waxaa ka mid ah horumarinta waxbarashada sida SFIga iyo yareynta canshuuraha. Balse wasiirada ayaan ku dhawaaqin waqti la rajeynayo natiijo.

Shaqo la,aanta soo galootiga ayaa 11% ka badan kuwa soo galootiga ah. Soomaalida ayaa la dhihi karaa waa bulshada ay haysato shaqo la,aanta ugu badan Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here