Dowlada oo dooneysa in soo galootiga shaqeeya la siiyo lacag dheeri ah

5

Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku doonayaan in soo galootiga ku jira barnaamijka Arbetsförmedlingen ee 2 sano ah in la siiyo lacagta taageerada ah ee ay hada qaataan xitaa haddii ay shaqo helaan.

Nidaamka hada ayaa ah in soo galootiga marka ay shaqo helaan laga joojiyo taageerada kale balse dowlada ayaa hada dooneysa in ay taas wax ka badalaan iyagoo sheegay in tani ay ku dhiiri galineyso in soo galootigu ay shaqo raadsadaan waqti hore.

Dowlada ayaa arintaan shuruud uga dhigeysa in qofku uu sii wato waxbarashada SFIga iyo hawlaha kale ee laga doonayo sida in uu xaadiro shirkadaha hogaamiya dadka iyo in uu ka qeyb qaato macluumaadka bulshada. Balse faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan arintaan dowladu ma soo bandhigin sida waqtiga la doonayo in la dhaqan galiyo.

“Waa in aan dirnaa fariin maalinta ugu horeysa ee qofku Sweden yimaado in ay faaiido leedahay in la shaqeysto” ayuu yiri wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag.

Arintaan ayaa ah mid soo jiidasho leh haddii la dhaqan galiyo iyadoo u sahleysa in dadka cusub ay qaataan lacagta hadda la siiyo oo ay u sii dheertahay mushaarkooda haddii ay shaqo helaan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here