Dowlada oo guryaha u sii kiraynaysa dadka cusub

5

Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay qorshe guryaha loogu sii diyaarinayo dadka cusub, isla markaana kamuunada lagu dhiiri galinayo in ay dhisaan guryo cusub oo ay dagaan dadka wadanka ku cusub.

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa soo bandhigay qorshahaan cusub. Fikrada ayaa ah in kamuunada si fiican u soo dhaweeya dadka soo galootiga ah, oo guryo cusub u diyaariya in la siinayo lacag dheeri ah oo loogu magacdaray (Mottagningspremien). Waxaa intaa dheer in guryaha banaan ay dowladu bixin doonto kiradooda. Barnaamijkaan ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa 250 milyan oo karoon.

Sababta ka dambaysa arintaan ayaa ah in dad badan oo sharciga qaatay ama wadanka ku imaanaya dacwo aysan haysan guri ay ku noolaadaan. Laanta Socdaalka ayaa cabasho ka muujisay in dadkii ay sharciga siiyeen ay wali ku jiraan kaamamka.

Dowlada ayaa bilihii la soo dhaafay samaysay maalgalin badan oo ku wajahan dadka soo galootiga ah, tusaale ahaan waxaa kamuunada soo dhaweeya Soomaalida dacwada ku imaanaysa loo balan qaaday lacag dheeri ah. Waxay sidoo kale dowladu diyaarisay lacag dheeri ah oo lagu taageerayo dadka cusub sidii shaqo loogu heli lahaa iyo waxbarashadooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here