Dowlada oo isbedalo ku samaysay sharcigii cusbaa ee qaxootiga

29

Wasiirka socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa shalay soo bandhigay sharciga cusub ee qaxootiga, kaasoo ay dowladu ku dhawaaqday sanadkii hore. Balse wasiirka ayaa soo bandhigay sharciga cusub oo lagu sameeyay dhowr isbedalo ka dib markii aad loo cambaareeyay.

Isbedalada muhiimka ah ee cusub ayaa waxaa ka mid ah in:

  • In sharciga ku meelgaarka ah qofka la siin doono muddo 13-bilood ah taasoo xaq u siinaysa qofka in uu cayr qaato ama uu helo adeegyada kale ee ay helaan dadka sharciga rasmiga ah haysta. Dadka loo aqoosato qaxootiga Geneva ayaa la siin doonaa 3-sano oo sharci ah. Marka uu sharcigu qofka ka dhaco ayaa loo cusbooneysiin doonaa haddii ay wali jidho sabab uu Sweden ku sii joogi karo. Haddii qofku isbiili karo ayaa sharci rasmi ah la siin doonaa.
  • Dadka da’doodu ka yartahay 25-sano ayaa sharci rasmi ah la siin doonaa haddii ay dhameeyaan dugsiga sare isla markaana ay is-biili karaan.
  • Waxaa kale oo loo suurto galin doonaa dadka Kharaabada lagu keenay iyo caruurta in mararka qaarkood la siiyo sharci rasmi ah, qaasatan caruurta caafimaadkoodu liito ayaa la siin doonaa sharci rasmi ah.
  • Dadka la siiyay magan-galyada (alternativt skyddsbehövande) ayaan xaq u yeelan doonin in qoyskooda lala mideeyo marka laga reebo kuwii is-dhiibay 24 November 2015 ka hor. Balse haddii ay dhacdo in diidmada mideynta qoyska ay ka soo horjeedo sharciga Sweden ayaa qofkaas qoyskiisa lala mideyn doonaa (Ma cada waxa ay dowladu ula jeedo arintaas).
  • Dadka loo aqoonsaday qaxootiga Geneva ayaa lala mideyn doonaa qoyskooda (lamaanaha iyo caruurtooda).
  • Qofka doonaya in lala mideeyo qoyskiisa ayaa shuruud ah in uu isagu is-biili karo isla markaana uu biili karo dadka imaanaya (balse shuruudaan waxaa ka reeban dadka qaxootiga iyo magan-galyada la siiyay iyo caruurta waalidkood lala mideynayo balse waa haddii uu qofkaasi codsiga mideynta sameeyay 3-bilood gudaheed markii isaga sharciga la siiyay).
  • Nidaamkii loo yaqaanay (Övriga skyddsbehövande) oo ah dad kale oo magan-galyo u baahan ayaa meesha laga saari doonaa guud ahaan. Nidaamkaan ayaa Soomaali badan sharci ku qaadan jidhay. Sidoo kale dadkii loo aqoonsaday in ay haysato dhibaato qaas ah (synnerligen eller särskilt ömmande omständigheter) ayaan iyagana sharciga la siin doonin, haddii aysan taasi ka hor-imaanayn qawaaniinta Sweden.

Guud ahaan sharcigaan cusub ayaa si weyn u adkeynaya wadooyinka ay qaxootigu sharci uga heli karaan Sweden, isagoo qaasatan si weyn u saameynaya Soomaalida, kuwa hadda iska dhiibaya wadanka iyo kuwa doonaya in lala mideeyo qoyskooda.

Sharciga cusub ayaa la filayaa in uu shaqeeyo muddo 3-sano ah, isagoo dhaqan-gali doonaa bisha July 20, 2016. Wixii faahfaahin ah waxaad ka akhrin kartaa bogga dowlada. Riix halkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here