Dowlada oo ka laabatay kordhinta lacagta caruurta

Dowlada Sweden oo sanadkii hore ololaha doorashada ku balan-qaaday in ay kordhinayaan lacagta caruurta (barnbidrag) ayaa hada u muuqata in ay ka laabatay balan-qaadkii ay sameeyeen. Sida ay sheegtay idaacada Ekot miisaanaya cusub ee dowlada ayaa laga saaray kordhinta lacagta caruurta.

Dowlada Stefan Löfven ayaa sanadkii hore balan-qaaday in ay lacagta caruurta ay kordhin-doonaan 100kr. Lacagta Barnbidrag ayaa hada ah 1050kr, iyadoo dowladu aysan waxba ka badali doonin. Lacagta daryeelka caruurta ayaa ilaa sanadkii 2006 aan waxba laga badalin. Xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaa aad u buunbuuniyay kordhinta lacagtaan ololihii doorashada balse hada ayay u muuqdaan kuwo ka baxay balan-qaadkoodii.

Miisaanaya ayaa la soo bandhigi doonaa maalinta isniinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. hanad says:

    2sano maxad war noo haysaan meel baa na xanuunaysa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  2. Hassan says:

    Beentaa Maaha Hanad 2 sano meelbaa na xanuunaysee yaa war haya soo Kordhay. alle umada ha inoo sakhiree.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  3. muxubo says:

    Asc 2sano saaka suaal baan qabaa DNA hadii laga qaado uur inaad lee dahay ma lagu ogaan karaa? mise uurka si kale ayaa lagu ogaan karaa arintaas ayaa iga jaahil tira?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. Husain says:

    Muxubo DNA in aad Uur leedahay laguma ogaado’ kaliya in laba dheecaan isku mid yihiin uunbaa lagu Cabiraa oo lagu ogaadaa’ Uurka laba Si uunbaa lagu ogaan karaa Kaadida iyo Computerka oo waliba markuu bilo jiro ah. Markaas waa saas walaal wabilaahi Tawfiiq.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Nyhet says:

    Breaking news! Poliska Oslo ee wadanka Norway ayaa gabar soomaali ah oo xanuunsan caloosha katoogteen.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. muxubo says:

    Husain aboowe mahadsanid waad iga jaahil tirtay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Husain says:

    Adaa Mudan walaal Maxubo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. ommanaal says:

    Walaal muxiba uurka kaadida iyo dhiig la iska qaado 2daba waa lagu ogaan karaa ultrasound ka waa uurku jirka marka uu ugu yaraan 2 bilood soo gaaro dhanka DNA da uur inaa leedahay laguma ogaan karo balse ilmo uurka hooyadii ku jira DNA waa laga qaadi karaa si loo ogaado ilmahani qofka dhalay ama hadii ey jiraan tusaale ilmo kale oo aad heysatay iyo ka uurka ku jira in ey hal aabo yihiin iyo in kale, ama 2nin ka ilmaha dhalay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. muxubo says:

    onmanaal mahadsanid laakin ilmaha dna ku jira sidee DNA looga qaadi karaa aniga uun baa layga qaaday inaan uur lee yahay ma oga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0