Dowlada oo ku dhawaaqday isbedalo lagu samaynayo nidaamka isdhexgalka

8

Madaxda ugu saraysa dowlada Sweden oo uu hogaanka u haayo Raysal wasaare Stefan Löfven ayaa shalay warqad ay ku daabaceen wargeyska Dagens Nyheter waxay ku dhawaaqeen in isbadalo horumarin ah lagu samaynayo nidaamka isdhexgalka soo galootiga si loo xaliyo dhibaatada ka jidha arimahaan.

Warqada oo ay si wada jir ah u soo qoreen raysal wasaare Stefan Löfven (S), Raysal wasaare ku xigeenka Åsa Romson (MP), Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin (MP) iyo Wasiirka shaqada Ylva Johansson (S) ayay kaga hadleen xaalada cakiran ee ka jidha caalamka iyo qaxootiga ku soo qulqulaya Sweden. Waxay cadeeyeen in Sweden aysan albaabada ka xiran doonin dadka u baahan magangalyada oo aysan noqon doonin wadan cunsuriyad iyo naceybka ku shaqeeya.

Ka dib ayay ka dhawaajiyeen afar arimood oo ay xooga saarayaan in wax laga qabto balse ma aysan shaacin wax la taaban karo oo isbadalo ah oo ay samaynayaan marka laga reebo hadalka caadada ah ee dib u habayn ayaan ku samaynaynaa iwm. Arimaha ay ka dhawaajiyeen ayaa kala ah.

1. In si dhaqsi ah ay soo galootigu shaqo ku helaan taasoo loo marayo in ay luuqada degdeg u bartaan, guri ay helaan, waxbarasho iyo in loo qiimeeyo shahaadooyinkooda si degdeg ah. Qodobkaan ayaa waxaa ugu muhiimsan in tayada waxbarashada luuqada kor loo qaadi doono iyo in lala dagaalamo cunsuriyada suuqa shaqada.

2. Caruurta oo dhan in ay helaan waxbarasho. Kamuunada ayaa la siin doonaa taageero dheeri ah si ay u xaqiijiyaan in caruurta wadanka ku cusub la siiyo waxbarasho wanaagsan,.

3. Degmooyinka oo dhan in ay qaabilaan qaxootiga. Qaabilaada qaxootiga ayay ku tilmaameen in ay tahay arin qaranka u taala sidaa darteed ay waajibtahay in dhamaan degmooyinka Sweden ay qaabilaan qaxootiga.

4. Jaaliyadaha in la siiyo taageero dheeri ah si ay uga qaybqaataan soo dhawaynta iyo isdhexgalka soo galootiga.

Waxay hadalkooda ku soo afjareen in isbedalaan ay yihiin kuwo waaweyn oo muhiim ah, balse dadka la socday arimaha isdhexgalka ayaan arag wax la taaban karo oo ay dowlada ka badalayso arimaha isdhexgalka marka laga reebo waxyaabo yaryar. Sidee u aragtaa adigu?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here