Dowlada oo la dagaalameysa cunsuriyada diimaha

3

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu baarayo inta ay le’egtahay cunsuriyada la xiriirta diimaha taasoo looga gol’leeyahay sidii lagula dagaalami lahaa neceybka ka dhanka ah diimaha. Arintaan ayaa si khaas ah u quseysa neceybka iyo cabsida la xiriirta Islaamka ee loo yaqaan (islamophobia) iyo mida la xiriirta Yuhuuda.

Dowlada ayaa amartay Urur Dowladeedka lagu magacaabo (Forum för levande historia) in ay baaritaan ku sameeyaan xadka cunsuriyada ku saleysan diimaha oo ay soo bandhigaan warbixinta kama dambeysa 19ka Ogosto.

Wasiirka isdhexgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay macquultahay in wax laga badalo buugaagta diimaha ku saabsan ee iskuulada lagu dhigo isagoo warbaahinta ku yiri ” Cunsuriyada ka dhanka ah Yuhuuda iyo Muslimiinta waa mid khatar ah maadaama ay ku saleysan yihiin naceyb”

Wasiirka ayaa sheegay in dadka Muslimiinta iyo Yuhuuda ah si qalad ah loola xiriirinayo dhacdooyin aysan waxba ka qaban karin oo ka dhaca caalamka. Waxa uu tusaale u soo qaatay ficilada dowlada Israel ay sameyso oo uu sheegay in Yuhuuda ku dhaqan Sweden aysan waxba ka qaban karin. Waxaa kale oo uu tusaale u soo qaaday dhacdooyinka argagixiso ee caalamka ka dhaca oo uu sheegay in Muslimiinta Sweden aysan waxba ka qaban karin.

Wasiirka ayaa sheegay in uu ka walwalsanaa in si qaldan loo weerari doono bulshada Muslimiinta ka dib weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Stockholm bishii December, wasiirka ayaa sheegay in xaaladu ay ka roontahay sidii la filayay.

Naceybka iyo hadalada aflagaadada ah ee lagula kacayo Muslimiinta ayaa soo siyaadey dhamaadkii sanadkii hore. Arintaan ayaa waxaa saldhig u ah xisbiga Cunsuriga ah ee SD oo olalahooda siyaasadeed ku saleeyay neceybka Muslimiinta iyo kharaxiii ka dhacay Stockholm 2010.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here