Dowlada oo lacag ku bixinaysa waxbarashada caruurta soo galootiga

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay lacag gaaraysa 409  milyan oo karoon ku maal galin doonto kor u qaadista waxbarashada caruurta soo galootiga ah. Arintaan ayaa ka dambaysay ka dib markii uu heerka waxbarashada ardadaas hoos u dhacay.

Caruurta soo galootiga ah ayaa noqday kuwo ku liita iskuulada isla markaana ay waqti dheer ku qaadato in ay ka gudbnaan dugsiga hoose, taasoo ay ugu wacantahay iyaga oo wadanka ku yimid da’weyn. Ardada soo galootiga ah ee u gudba dugsiyada sare ayaa noqday 40%, halka caruurta Swedishka ah ay 90% u gudbaan dugsiyada sare.

Lacagta ayaa loo isticmaali doonaa in loo kordhiyo waqtiga waxbarashada ardada soo galootiga ah, in macalimiinta la siiyo aqoon dheeri ah  iyo qaasatan luuqada Swedishka oo xooga la saari doono. Lacagta ayaa la siin doonaa hay’adaha dowliga ah iyo ururo qaas ah oo ka shaqeeya arimahaan.

Sababta keentay in heerka waxbarashada ee ardada soo galootiga ah uu hoos u dhaco ayaa wasiirka waxbarashada Sweden Jan Björklund uu ku eedeeyay ka dib markii ay Sweden soo galeen arday badan oo ka timid wadamada Soomaaliya iyo Afghanistaan. Maadaama hanaanka waxbarashada ee wadamadaas uu burburay.

Qorshaha dowlada ayaa ku wajahan caruurta dhigata fasalada 5-9.

Dhibaatada haysata caruurta soo galootiga ah ayaa waxaa kale oo loo eedeyn karaa waalidiinta oo aan lahayn aasaas waxbarasho, sidaa darteedna aan awoodin in ay caruurtooda ka saacidaan casharada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. aboolo says:

    waa fikrad ad iyo aad u wanagsan wana so dhaweyneyna hadi aan nahay sogaloti

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Maria mohamud says:

    As waad ku mahadsantahay jimcaace dadaalka aad ugu jirtid in aad soo gubisid hadba wixii cusub

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. M. Abdulrahman says:

    Salaan kadib, anigu waxan kula talin tahaa walidiinta somalida ah in ay caruurtooda ku qalqaalliyan kafogaanshaha macalimiinta somalida ah ee aan aqool ku filan lahayn hadana caruurta u midaan qarinaysa dadkuna moodayo in ay wax u fa’ideyaan waxna aan u fa’idaynin oo ay ardaydu laqabsadaan luuqadaha kale. waa fikirkayga waxana haya waxyaabo badan oo daliil ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0