Dowlada oo qorsheynaysa in la xadido mudada SFI-ga

27

Dowlada Sweden ayaa la filayaa in bisha September ee nagu soo aadan ay soo bandhigto qorshe lagu xadidayo mudada dadku ay dhigan karaan koorsada lagu barto afka Swedishka ee lagu magacaabo (Svenska F̦r Invandrare РSFI).

Qorshahaan oo ka dambeeyay baaritaan ay dowladu sameysay sanadkii hore, kaasoo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa heerka waxbarashada SFI-ga isla markaana ay dadku waqti gaaban ku dhameyn karaan. Ayaa lagu soo bandhigayaa in dadka loo ogolaado in ay SFI-ga dhigtaan 2 sano oo keliya. Marka labada sano dhamaato ayaysan cadeyn halka loo diri doono qofka. Ma waxa uu gudbi doonaa  waxbarashada dadka waaweyn ee (Komvux), mise hawl kale ayaa loo diri doonaa?

Dowlada ayaa aamisan in sida hada uu ku socdo SFI-ga uu yahay mid aan hufneyn oo dadku ay mudo badan iska fadhiyaan fasalada, lacag badana ku qasaarto. Dowlada ayaa muhiimada siineysa in qofku uu shaqo raadsado inta uu ku jiro SFI-ga.

Qorshaha dowlada ayaa waxaa dhaliilay qaar ka mid ah macalimiinta SFI-ga oo sheegay in aysan macquul ahayn in dadka oo dhan ay ku dhameeyaan 2 sano. Qaasatan dadka aan horey wax u soo baran oo dhibaatooyinka dagaal ka soo cararay. Balse dowlada ayaa u muuqata mid aan ka fikirin arintaas. Xitaa waxaa ku jira qorshaha in haweenka caruurta haysta ay waqti la qeyb sadaan ragga caruurta dhalay si ay waxbarashada u wataan.

Hadaba waxaan ka war sugnaa waa in dowladu ay soo bandhigto go’aanka ugu dambeeya ee ku aadan arintaan. Sidee u aragtaan in SFI-ga lagu soo koobo 2 sano? Ma aamisantahay in aad ku dhameyn karto labo sano, haddii aad hada dhigato?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here