Dowlada oo sharci cusub u raadineysa dadka caruurta isku dhiiba

10

Sida uu qoray wargeyska Riksdag & Departement Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström ayaa wadatashi la sameynaya dhigiisa Denmark, Finland iyo Norway si loo sameeyo sharci cusub oo la xiriira baaritaanka da’da dadka caruurta isku dhiiba. Billström ayaa doonayo in uu wax ka barto sida wadamada dariska ah ay ula tacaalaan soo galootiga da’da yar sheegta maadaama ay Sweden aad ugu soo badanayaan halka wadamada kale ay hoos u dheceen.

Tusaale, Denmark ayaa isticmaasha baaritaanka raajo iyo ilkaha si loo go’aamiyo da’da dadka caruurta isku dhiiba. Arintaas ayaa dhalisay in 73% dadkii baaritaanka lagu sameeyay ay cadaatay in ay 18 sano ka weyn yihiin. Laanta socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa sidoo kale aaminsan in tiro badan oo ka mid ah dadka isku dhiiba da’da yar ay 18 sano ka weyn yihiin balse Sweden ayaan sameyn baaritaanada ilkaha iwm.

Norway iyo Finland ayaa sidoo kale waxaa ka jira baaritaanka waloow uusan waajib ahayn balse qofka diida ayaa lagu dheereeyaa baaritaanka codsigiisa, arintaas ayaa dhalisay in wadanka Finland 80 qof oo laga qaaday sanadkii hore 50 ka mid ah ay noqdeen 18 sano dad ka weyn.

Haddii Billström uu ka dhabeeyo in uu hir galiyo sharci waajib ka dhigaya baaritaan lagu sameeyo ilkaha dadka da’da yar isku dhiiba ayay arintaas waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa kumanaan qof oo u hanqaltaagayay in ay Sweden iska dhiibaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here