Dowlada oo soo bandhigtay isbedalo ku wajahan dadka cusub

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa soo bandhigay dhowr arimood oo dowladu xooga saarayso si shaqo loogu helo dadka cusub. Wasiirka ayaa arinta ugu muhiimsan ee uu soo bandhigay waxaa ugu weyn in dadka cusub ay waajib ku noqon doonto in ay u guuraan magaaladii shaqo looga soo helo, oo aysan diidi karin.

Arimaha kale ee wasiirka uu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah in la abuuri doono 6000 oo praktik ah kuwaasoo dadka cusub ka caawin doona sidii ay suuqa shaqada u fahmi lahaayeen iyo in ay luuqada ku bartaan. Intaas ayaa waxaaa sii dheer in dadka cusub loo diyaarin doono waxbarashooyin loogu abuurayo xirfado ay ku shaqeysan karaan. Waxbarashada ayay qaadan doonaan inta ay dhiganayaan luuqada (SFI).

Wasiirka ayaa mowduuca uu ku qoray wargeyska DN waxa uu dhowr jeer tusaale u soo qaatay Soomaalida. waxa uu sheegay in ay yihiin dad aan waxbarasho lahayn balse ay qalad tahay in Soomaalida loo aqoonsado dad daciif ah. Wasiirka ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn qaabka ay saxaafada iyo maamulada kamuunada uga hadlaan Soomaalida. Waxa uu sheegay in ay yihiin dad shaqo diyaar u ah balse ay xayirayso heerkooda waxbarashada.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladu ay xooga saarayso sidii ay ula dagaalami lahayd cunsuriyada. Dowlada ayaa iskuulada ku baraarujisay in caruurta Swedishka lagala hadlo arimaha isdhexgalka iyo cunsuriyada.

Inkastoo uusan soo bandhigin wax cusub oo la taaban karo ayaa arimaha wasiirka uu soo saaray ay yihiin kuwo muhiim ah haddii si degdeg ah oo aan iska daba wareeg ahayn loo dhaqangaliyo. Ilaa sanadkii 2010 markii dowladu ay soo bandhigtay isbedal lagu sameeyay arimaha isdhexgalka ayaa dowlada lagu cambaareeyay in aysan wax isbedal wanaagsan ah samayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. ibrahim says:

    asc jimcaale waad mahad santahay sxb lkn hal su,aal ayaan qabaa dadka cusub oo shaqada loo abuurayo waa kuwee ma kuwa hada imaanaayo wadanka mise kuwa joogaan oo mar dhaw imaadeen wadanka aanan wali la qabsan.su´,aasha kale hadey tahay dadka joogaan oo mar dhaw imaaden hadii aan magaalo kale aan dagan nahy oo shaqo liiga helo miyaan u guurayaa meshaas?

    tack sxb.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. ibrahim says:

    asc waan ku salamy jimcaale sxb waxan ku weydiinaa sxb dadka cusub oo shaqada loo abuurayo ma dadka hada wadanka imaanayan msie dadka joogaan hada oo mar dhaw imaden.su,aasha labaad sxb hadii aan magaalada shaqada liiga helay eey meel dheer tahay anigane aan meel ka fog dagan nahy miyaan u ´guurayaa meshaas`?

    tack sxb.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ibrahim says:

    sorry gacantaa iiiga dhacday labada mar

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. ansal says:

    walal wan ku salamey marka hore ani su asha an qabo waxa waye dadka an wali sharci an lasinin ee xifad iyo oqon ba lee ee maskaxda la curyamiyey ee camamka lagu hayo sidi xayanwanka maxa logu taliyey tedakale intey dad hada imanaya oo dibad joga waxban ukabaneyna ay leyahin inti gudohoga jogtey ayaba ku hos dimatey wcs

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. omar says:

    Asc dhaman waxaasi waa ruwaayad maxey shaqo abuuraan waaba dad aan aqoon is dhexgalka bulshada kulahaa hadii shaqo ladinka helo melo fog waa in ay u guuraan war bada gudaheeda hadii aad shaqo nooga heshaan waxaan ka reysan laheyn ceyrta iyo gumeysigeeda dhamantood waa dad cunsuriyiin ah isla weyn oo cawaan ah hadane aan aqoon bini aadinimada sxb wasiirow wan ku daalnay sidaan albaab walbo u garaaceynay in shaqo si fudud loo helee war kale ma heysaa kwa xafiiska shaqado jooga oo hanlagar is ku sheega ah waa kuwo cunsuri ah oo aan dadka waxba u qabanin oo adiga beeso kugu qaata illaah wadankenii nabad ha inooga dhigo illaah baa xal ka sugeynaa insha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. salah says:

    walaal jimcaale waxaan ku weydiiyay migrationdomstolen imise ayey kiiska dacwada heysan kartaa jawaab ayaan kaa sugaa hadii aad wax igu dhaanto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. wadani says:

    asc all somaliween sxb sahal annigan kula hadlayo sxb ilmahega dhiga wexey mareen sxb jun 14 keda ilahadane sxb anniga ayaa wax balan iisameeyo weysan sxb oo dhiig ika qada sxb waxa wa iska nasiib sxb sedax bil ayaan maraya sxb wiil xafada iladagan ilmahisa wey ka danbeyen ilamahega ayaa horeyay in dacwada xaresdan dhig maran asakana hada inta wuu kamaray sxb marka waa iska nasiib sxb taas jimcale wax kukuma dhaaamo sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. mubarek says:

    dhamaan waan idin salamaaya aqyaarta madaxa iyo lugaha leh
    bacdo salaan dhakofaar aduunka ninba wayso ka dhaan san

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  9. F.M says:

    SD-ledaren vill åka och se hur somalierna har det. Men kommunalrådet ser helst att han stannar hemma.

    FORSERUM. Sverigedemokraternas partiledare Jimmie Åkesson vill besöka småländska Forserum, där somalier trakasserats. Han vill själv få en bild av vad som hänt. Men kommunledningen i Nässjö vill inte att han ska komma.

    – Med den profil Sverigedemokraterna har i integrationsfrågor skulle ett besök nu bara förvärra situationen, säger kommunalrådet Anders Karlsson (C) i ett pressmeddelande.

    ‘Skulle se ut som att vi böjer oss’

    Enligt planen ska Åkesson göra besöket på tisdagen men hans pressekreterare Linus Bylund menar att det inte varit helt säkert och är därför förvånad över Karlssons utspel.

    – Jag pratade med Anders Karlsson i telefon precis innan pressmeddelandet gick ut, och sade till honom att vi kunde återkomma när vi visste om vi skulle åka till Forserum, säger han till SVT och fortsätter:

    – Nu när pressmeddelandet gått ut blir det ju inte enklare att avbryta besöket. Det skulle ju se ut som om vi böjer oss för våra politiska motståndare.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Dulmi diid says:

    hadalka wasiirku wuxu cadaynaya dhibaatada dhan walbaba ah ee lagu hayo soomaalida, isaguna wuxu madax u yahay hay’ada qaabilsan isdhexgalka iyo so dhawaynta dadka cusub waana dhibaatadu meeshay ka bilaabmato.
    hadalka uu leeyahay iyo ficilkiisuna isma laha ee waa af gobaadsi ayan dhihi karaa.
    somalida waxan kula talin lahaa inay ka kacaan hurdada kana gilgishaan ducfiga lala doonayo mar walba, inago og in somalidu yihin dad firfircoon oo sharaf badan gacantoduna hoosayn jirin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0