Dowlada oo soo bandhigtay miisaaniyada sanadka: Maxaa ugu jira Soomaalida?

6

Dowlada cusub ee Sweden ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigtay miisaaniyadeeda sanakda soo socda, taasoo ay muhiim tahay in uu ansixiyo baarlamaanka Sweden (Riksdagen) bisha December. Miisaaniyada cusub ee ay soo bandhigtay wasiirada dhaqaalaha Magdalena Andersson ayaa ka kooban 25 bilyan oo karoon oo lagu maalgalin doono Sweden sanadka soo socda.

Lacagta inta badan ayaa la galin doonaa caafimaadka, iskuulada, waxbarashada dadka waaweyn, canshuur dhimista dadka waayeelka ah, lacgata A-kassada oo la siyaadin doono iyo shaqaalaha daryeelka dadka waaweyn oo la kordhin doono. Dowlada ayaa lacagahaas ka soo xarayn doonta canshuuraha oo la siyaadin doono, sida canshuurta laga bixiyo shaqaalaha da’da yar (arbetsgivaravgifter) oo kor loo qaaday, dadka qaata mushaarka ka badan 50.000/bishii oo iyagana canshuurta lagu kordhin doono.

Arimaha aan isleeyahay Soomaalida xiiso gooni ah ayay u leeyihiin ayaa waxaa ka mid ah in dowladu ay lacag badan ku bixin doonto.

– Traineejobb taasoo ah nuuc ka mid ah baraatiiga oo dadka loo diri doono in ay shaqada ku bartaan. Dowlada ayaa ku bixin doonta 1,6 bilyan oo karoon.

– Lacagta ku baxda socdaalka iyo qaxootiga ayaa iyadana la kordhin doonaa 1,1 bilyan oo kr taasoo la siin doono Migrationsverket si ay u badiyaan goobaha la dajinayo dadka qaxootiga ah.

РIsdhexgalka ayaa waxaa lagu bixin doonaa 16,8 bilyan oo kr taasoo la siin doono kamuunada si ay u qaabilaan dadka cusub, iyo sidoo kale Arbetsf̦rmedligen iyo shirkadaha la shaqeeya si dadka cusub loo caawiyo.

– Lacagta la siiyo hooyooyinka keligood ah (UnderhÃ¥llsbidraget) ayaa lagu dari doonaa 300kr/bishii, iyadoo sidoo kale la kordhin doono lacagta waalidiinta ee Föräldrapenning. Dhinaca kale, waxaa la joojin doonaa lacagta VÃ¥rdnadsbidrag.

Dowlada ayaa sidoo kale lacago badan ku bixin doonta difaaca, dhismaha wadooyinka iyo tareenada, horumarinta baadiyaha, iyo arimo kale. 252 milyan oo karoon ayaa sidoo kale lagu bixin doonaa arimaha dhaqanka.

Miisaaniyada cusub ayaa taageero ka haysata xulufada dowlada ee Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) iyo xisbiga Vänsterpartiet (V) balse isku darkooda ma haystaan aqlabiyad. Haddii xulufada Alliansen ay soo bandhigaan iyaguna miisaaniyad u gooni ah ayay arintu ku xirantahay xisbiga SD cida ay taageeraan. haddii ay taageerada siiyaan xulufada Alliansen ayay dhici doontaa dowlada Stefan Löfven iyadoo wadanka lagu celin doono doorasho cusub. Haddii ay ka amuusaan ayaa la ansixin doonaa miisaaniyada dowlada.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here