Dowlada oo soo bandhigtay sharciyo cusub oo la xiriira qaadashada Laysanka

5

Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay sharciyo cusub oo la xiriira qaadashada laysanka. Sharciyadaan ayaa waxaa ka mid ah abuuritaanka nuucyo cusub oo laysanka ah, kor u qaadista da’da lagu qaato iyo balaarinta laysanka B. Sharciyaan ayaa baarlamaanka loo soo bandhigayaa dayrta iyagoo dhaqan gali doona 19 Janaayo 2013 halka qaar kale ay dhaqan galayaan bisha Febraayo ee sanadka soo socda.

Isbadalka ugu weyn ayaa la xiriira laysanka lagu kaxeeyo basaska iyadoo la soo bandhigay dhowr nuuc oo kala ah C1, C1E, D1 och D1E oo lagu wado basaska iyo baabuurta xamuulka kuwaasoo looga golleeyahay in lagu siyaadiyo amaanka wadada oo dadku si horumar ah ay ku qaataan qeybaha kala duwan. Sidoo kale waxaa ka mid ah qorshaha in la kordhiyo da’da C iyo CE oo hada ah 18 oo laga dhigo 21. Halka D iyo DE laga dhigayo 24 sano. Waxaa kale oo waajib laga dhigayaa in 5 sano kasta la cusbooneysiiyo Laysanada C1, C1E, C, CE, D1, D1E, D och DE oo hada ah 10 sano waxaana qasab noqoneysa qofku in uu soo bandhigo warqad caafimaad.

Laysanka baabuurta caadiga ah lagu wado ee B ayaan wax badan laga badalin iyadoo keliya la kordhinayo culeyska baabuurta uu qofku wadi karo oo hada ugu badnaan ah 3500kg oo laga dhigayo 4250kg balse waa haddii qofku uu baaso imtixaanka qaas ah.

Isbadalaan ayaa haddii la dhaqan galiyo waxay saameynta ugu weyn ku yeelanayaan dadka doonaya ama hada wada gaadiidka waaweyn sida tareelayaasha iyo basaska.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here