Dowlada Soomaaliya oo heshiis lagu celinayo Soomalida la galayso Norway iyo Sweden oo ku hami weyn

8

Dowlada Norway ayaa waxay wadahadal la yeelanatay wafdi uu hogaaminay wasiirka arimaha dibada Somalia Cabdisalaam Cumar Hadliye kaasoo arinta ugu weyn ee lagala hadlayo ay tahay in ay dowlada Somalia saxiixdo heshiis dib loogu celinayo Somaalida. Heshiiskaan ayaa la filayaa in durbadiiba uu saameyn ku yeesho 500 qof oo horay sharciga loodu diiday iyo kuwa hada sharciga ka sugaya Norway.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa safar shaqo ku yimid wadanka Norwey, maalintii shalay ahayd, iyaga oo ka qaybgalay  kulanka wasiirada arimaha dibada Afrika qaarkood iyo kuwa wadamada NORDICA oo maanta lasoo afmeeray. Wafdiga dowlada ayaa isla maantaba kulan ula fariisto dowlada Norway, iyaga oo an marka hore la kulmin, kana warqaadan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Wafdiga dowlada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah madaxa laanta socdaalka dowlada soomaaliya General Abdullahi Gaafow.

Arinta kale ee sidoo kale layaabka leh ayaa ah in laanta socdaalka dowlada Norwey ee UDI ay muwaadiniinta Norwey uga digtay inay u safraan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, xaalado amni owgeed. Dowlada Norwey ayaa xaga gala rabto inay soomaalida sharciga loo diidey ay ku celiso bartamaha iyo koonfurta soomaaliya, oo ah meelaha ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalaan.

Dhinaca kale, Sweden ayaa sidoo kale ilaa sanadkii hore ku hami weyneyd in ay dowlada Somalia ay heshiiskaan la gasho. Iyadoo dhowr bilood ka hor casuumaad u fidisay madaxweyanaha Somalia kaasoo ka baaqday in uu yimaado. Ma cada in waftigaan ay booqasho ku imaan doonaa Sweden balse haddii ay yimaadaan ayay hubaal tahay in Sweden ay soo bandhigi doonto qorshe la mid ah kan Norway.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here