Dowlada Sweden oo degdeg sharciga wax uga badalaysa si loo xaqiijiyo in albaabada laga xiro qaxootiga la filayo xagaaga

Labo bilood ka hor waxaan shaacinay in taariikhda u dhaxaysa 4-17 July dib loo furi doono xuduudaha Sweden oo aan dadka la weydiin doonin aqoonsi, taasoo loo arkay fursad ay dad badan oo qaxooti aan aqoonsi wadan ku soo gali karaan Sweden. Arintaas ayaa ka dambeysay maadaama uu dhacayo sharciga Waydiinta Aqoonsiga ee hadda jira bisha July 3 isla markaana ay waajibtahay in dowladu ay sugto 2 isbuuc inta aysan sharci cusboonaysiin.

Balse sida muuqata dowlada Sweden ayaa doonaysa in waddo kasta oo qaxooti cusub ku soo gali karaan Sweden in albaabada loo laabo, taasoo hadda bilowday in ay sharci cusub oo degdeg ah baarlamaanka horgeeyaan inta aan la gaarin bisha July si loo xaqiijiyo in marka uu dhaco sharciga hadda jira in durbadiiba la cusboonaysiiyo oo aysan qaxootigu helin wax fursad ah oo ay ku soo galaan Sweden.

Inkastoo dowlada Sweden ay isku tilmaamto mid soo dhaweeya qaxootiga, ayaa haddana ficilada ay ku keceen bilihii la soo dhaafay ay yihiin kuwo guud ahaan ka soo horjeeda hadalkooda. Oo ay xaqiijinayaan in qaxooti cusub aysan wadanka soo gain.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. axmed awliyo says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 9

  2. Catoosh says:

    Sweden waxa u fican inay inta jogta shaqo abuuris u sameyan iyada o ay ku qurux badan tahay in la dhiso bulshada ku dhaqan Dalka Sweden ee so galo tiga lona sameyo sharciyo u fududaynaya inay shaqo helaan madama dadkani yihiin kuwo wayani ku so koray

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. Farxaan says:

    Sweden wajibkii saarnaa weykasoo baxday runtii, Qaxooti aad ubadan ayee qaabishay. Hada waxaa laga cabsi qabaa ekonomisk kris inuu kudhaco sweden.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  4. Deeq says:

    asc anigu waxaan qaba in dadka jooga wadanka ee bilaa sharciga ah la siiyo kuwa soo socdana lasiiyo laftooda waayo wadankan swedan waa wadan wayn waxaanu u bahanyahay dad badan oo isma leeka dadka ku nool swedan iyo dalku ………………. waxaa is waydiin leh sidee dhaqaale loo helaya hadii la qabailo dad badan waa in la abuur shaqooyin lana fududeeyo fursadaha shaqo iyo ganacsi aniga yaa maanta iiga diga prime minister wadankan jag trodde så du har rätt att tala vad du känner lkn maha inaad wax walba ka hadasho sida dadka aan aqoonta u lahayn fursadaha shaqo siday u abuuri lahayeen waxaan arkaya dad badan oo leh yaan a qabilin dadka sida adiga lagu qabilay ayaa loo qabilaya taas niyada gali lkn waa inaad adigu la timada habkaad shaqo u abuuran lahayd

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  5. Ilaahow umadada.u gargar muslimanta ah mel.walbo ay jogan inta murad lehna allow muradkoda sahla wixii kheyr u ahna allow wafaji insha allah hadi an nahay musliman wa in an ducaysana walaliya wixii naftana la jeclatana walalihina la.jeclada insha allah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 1

  6. xasan norwey says:

    masha allah waa war aan aad ugu farxay waayo waqti badan ayaan sugayyay inta wadad laga furazo insha allah ilahay hano rumeeyo rajadayada allu ma ameen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0