Dowlada Sweden oo dhacday iyo doorasho cusub oo la qabanyo

15

Ka dib cod uu shalay baarlamaanka Sweden u qaaday miisaaniyada dowlada cusub ee Stefan Lofven ayaa baarlamaanka uu diiday in uu ansixiyo miisaaniyda dowlada, taasoo keentay in ay dhacdo dowlada. Raysal wasaare Stefan Lofven ayaa ku dhawaaqay in doorasho cusub la qaban doono bisha maarso 22 ee sanadka 2015.

Dhicitaanka dowlada ayaa ka dambeeyay ka dib markii xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ay la safteen xulufada mucaaradka ee Alliansen taasoo keentay in miisaaniyada dowlada ay heshay codod gaaraya 153 cod, halka ay diiden 182 xildhibaan. In doorasho cusub ay ka dhacdo Sweden ayaa ah mid taariikhi ah oo aan horay u dhicin ilaa sanadkii 1958. Raysal wasaare Stefan Lofven ayaa sheegay in ay ololaha doorashada cusub la wadaagi doonaan xisbiga Miljopartiet (MP) iyagoo doonaya in ay si wada jir ah markale u soo dhisaan dowlad ay ku midaysan yihiin.

Raysal wasaaraha oo xilka qabtay bishii September ee sanadkaan ayaa dhowr jeer isku dayay in uu gacanta u fidiyo xisbiyada ka tirsan xulufada Alliansen balse kuwaas ayaa diiday in ay la shaqeeyaan. Stefan Lofven ayaa horay u balan qaaday in uusan la shaqayn doonin xisbiga SD xitaa haddii ay dowladiisa dhacayso, taasoo u muuqata in ay hada dhab noqotay.

Xisbiga SD ayaa sheegay in ay doonayaan in doorashada cusub ee dhici doonta Maarso ay kordhiyaan cododkooda, iyagoo sii wadaya ololaha ka dhanka ah magan galyo doonka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here