Dowlada Sweden oo doonaysa in ay meesha ka saarto Jinsiyada

23

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa shaaciyay in dowlada Sweden ay doonayso in ay guud ahaan sharciyada Sweden ka saarto arimaha la xiriira jinsiyada, taasoo ah halka qofku uu ka soo jeedo. Sida Soomaalida.

Wasiirka ayaa sheegay in waydiinta jinsiyada ay qeyb ka tahay cunsuriyada, isagoo intaas ku daray in bani’aadamka aysan ahayn jinsiyado kala duwan sidaa darteed aan loo baahnayn in qofka la waydiiyo jinsiyadiisa.

Sheegida jinsiyada ayaa hada ku jirta 20 ka mid ah sharciyada Sweden sida sharciga dambiilayaasha, taageerada ardada, daynta, iyo baasaboorka. Dowlada ayaa doonaysa dhamaantood in meesha laga saaro oo qofka aan la waydiin jinsiyadiisa.

Qorshaha dowlada ayaa la kulmay soo dhawayn iyo cambaareyn labadaba. Gudoomiyaha ururka Midnimada Afrikaanka (Afrosvensarnas Riksförbund, ASR) Kitimbwa Sabuni ayaa ku tilmaamay qorshaha dowlada mid riyo ah oo caqabad ku noqonaya la dagaalanka cunsuriyada ku dhisan jinsiyada. Waxa uu sheegay in haddii dowladu meesha ka saarto isticmaalka iyo sheegida jinsiyada ay dhibaato u keeni karto la dagaalanka iyo ololaha ka dhanka ah cunsuriyada.

Sidee kula tahay adiga? in jinsiyada la waydiiyo shacabka ama in guud ahaan meesha laga saaro? ku darso fikradaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here