Dowlada Sweden oo isbadal ku samaynaysa sharciga deganaanshaha

19

Dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa maanta ku dhawaaqay heshiis cusub oo isbedal lagu samaynayo dhowr arimood oo la xiriirta deganaanshaha. Sharcigaan ayaa waxaa ugu muhiimsan in dadka magangalyo doonka ah ee sharciga loo diiday fursad loo siin doono in ay shaqo ku joogaan Sweden.

Horay ayaa dowlada Sweden waxay u samaysay isbedalkaas oo shuruud ahayd in qofku uu shaqeeeyo ugu yaraan 6 bilood waqtigaas ayaa hada lagu soo gaabiyay 4 bilood. Isbelada cusub ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in ardada wadanka Sweden wax ka barata loo fududeeyo sidii ay degenaansho ku heli lahaayeen markii ay jaamacada dhamaystaan.

Waxaa kale oo muhiim ah in dowladu ay dheereysay waqtiga qofku uu ka maqnaan karo Sweden isaga oo aan laga ceshan degenaanshaha. Dadka ayaa hada ka dib loo ogolaan doonaa in ay wadanka ka maqnaan karaan 2 sano, iyaga oo sharci Sweden ku leh. Isbedelkaas ayaa ah mid muhiim ah oo qofka doonaya in uu dibada ka soo shaqaysto aad u anfacaya..

Sharciyada cusub ayaa dhaqan gali doona 1 bisha July ee sanadkaan 2014.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here