Dowlada Sweden oo lacagtii loogu tala galay kaalmada caalamiga ah u isticmaasha qaxootiga

3

Dowlada Sweden ayaa lagu eedeeyay in ay lacagta loogu tala galay kaalmada caalamiga ah u isticmaasho qarashka ku baxa qaxootiga wadanka iska dhiiba. Sweden ayaa ah wadanka qaarada Yurub ugu isticmaalka badan lacagta kaalmada oo loogu tala galay la dagaalanka gaajada iyo gargaarka caalamiga ah.

Dowlada Sweden oo ku faanta in ay tahay mid aad u gacan furan marka laga hadlayo kaalmada caalamiga ah ayaa sanadkii hore waxay 5 bilyan oo kr oo ka mid ah kaalmadii loogu talay caalamka u isticmaaleen qaxootiga iska dhiibay wadanka. Wadamada kale ee Yurub sida Germany, France iyo Denmark ayaa iyaga laftooda sidaas oo kale sameeya balse ma isticmaalaan lacagta sidaa u badan.

Wadamada kale sida Ingiriiska iyo Luxemburg ayaa iyagu go’aansaday in ay kala qeybiyaan lacagaha kaalmada caalamiga ah iyo qarashaadka qaxootiga. Sweden ayaa qaasatan lagu eedeeyay in ay bixiso sawir qaldan oo ku saabsan kaalmada caalamiga ah, iyaga oo sheega in ay lacago badan u balan qaadeen kaalmada caalamiga ah balse si hoose lacagahaas u isticmaala qarashaadka qaxootiga.

Dowlada cusub ee Sweden ayaan waxba ka badali doonin arintaan, iyagoo la filayo in ay siyaadiyiin isticmaalka lacagahaan oo sanadka soo socda ay 8 bilyan oo ka mid ah lacagaha kaalmada caalamiga ah u isticmaali doonaan qaxootiga.

Sweden ayaa Somalia u balan qaaday kaalmo gaaraysa 105 milyan oo kr sanadkaan 2014.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here