Dowlada Sweden oo lagu cambaareeyay musaafurinta gabar 2 sano jir ah

15

Dowlada Sweden iyo Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa lagu cambaareeyay ka dib markii ay go’aamisay in la musaafuriyo gabadh yar oo labo 2 jir ah oo aan waalidkeed la hayn.

Gabadha yar oo lagu magacaabo Haddile, kana soo jeeda wadanka Algeria ayaa waxay leedahay baasaboor Faransiis ah balse hooyadeed ayaan la aqoon halka ay jaan iyo cirib dhigtay. Gabadha yar ayaa hada la nool reer Swedish ah oo dalbatay in iyagu ay korsadaan balse laanta Socdaalka ayaa arintaas diiday oo ku dooday in gabadhaan ay leedahay dhalasho Faransiis ah sidaa darteedna ay masuuliyadeeda saarantahay dalka Faransiiska.

Arinta gabadha yar ayaa dood weyn ka dhalisay Sweden, dad ka badan 91000 qof oo ay ku jiraan qoyska boqortooyada Sweden ayaa saxiixay warqad lagu dalbanayo in aan la musaafurin gabadha yar. Gabadha yar ayaa ku dhalatay wadanka Sweden, iyadoo dadku ay dalbadeen in wadankaan uu yahay wadankeeda dhabta ah. Faransiiska haddii la geeyo ayaa gabadha yar lagu haynayaa guryaha xanaanada.

Dooda ka taagan Haddile ayaa tooshka ku daartay laanta Socdaalka iyo wasiirka socdaalka Tobias Billström oo u muuqda in ay noqdeen kuwo ay ka guudhay naxariistii bani’aadanimada oo sharciga keliya tiigsanaya. Waxaa sidoo kale tooshka lagu hayaa sida Sweden ay u jabiso xuquuqda caruurta, inkastoo sharciga wadanka uu qabo in danta caruurta wax kasta laga hormariyo.

Arinta gabadha yar ayaa hada waxay hortaalaa maxkamada Socdaalka oo go’aan ka soo saari doonta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here