Dowlada Sweden oo lagu haysto warshad hubka oo ay u dhiseen Sacuudiga

Dowlada Sweden ayaa si weyn loo cambaareeyay ka dib markii la fashilay in ay warshad hubka casriga ah u dhiseen Sacuudiga.

Xisbiyada kala duwan ee Sweden ayaa midba midka kale ku cambaareynayaa in ay ka dambeeyeen heshiiska Sacuudiga lagula galay in loo dhiso warshaqada sameysa gantaalaha. Xulufada talada haya ayaa ku doodaya in dowladii hore ee Social Demokraterna ay ka dambeysay heshiiska, halka xisbiga S ay ku doodayaan in dowladu ay joojin kartay heshiiska sanadkii 2010 oo la saxiixay.

Kuwa diidan in sacuudiga loo dhiso warshada casriga ah ayaa ku doodaya in wadankaas uu yahay mid diktaatoori ah oo aan ku wanaagsaneyn xuquuqda bani’aadamka. Waxaa muuqata in guud ahaan xisbiyadu ay isku raacsanyihiin in aysan wanaagsaneyn in loo dhiso warshadaas Sacuudiga balse dowlada ayaa ku doodaysa in hada heshiiskii dhacay.

Swedishka ayaa u muuqda in ay diidi waayeen lacagta faraha badan ee Sacuudiyiinta iyagoo hada ka qoomameynaya in ay Sacuudiga u dhiseen warshada. Ma ahan Sweden oo keliya balse wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale Sacuudiga ka iibiyay diyaarado iyo hub casri ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. galdile says:

    maxay tahay dhibta ku jirta in sucuudiga loo sameeyo warshad gantaalooyinka samaysa … Maxaay caalamku u canbaarayn wayeen kuwa warshadaha leh ee laga iibsado, hadii aay caalamka mabnuuuc ka yahay hubku maxaa looga hadli waayey wadamada warshadaha leh ee rer yurub . Maxaaa loo eegayaa wadankaas islaamka ah ee gantaalaha loo sameeyey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Khadija says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkk wax kale maahan ee waa wadan muslim leeyahay ayay ula jeedaan, bahashii farxiya(Lacag) ahaydna cid diida la waa. Marmarsiinyana lama waayi doono mustaqbalka koleey dhahaan shacabkaan badbaadineynaa siddii Liibiya oo kale oo kadibna wershadda halkaas ay ku burburiyaan. Xaasidiinta shartooda Allaha ku celiyo ayaga.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. Soomaali-Boy says:

    Dawlado Heshiis gala waa la Arki Jiray , balse waxa Ka Qaylisiiyay , Reer Yurub iyo Maraykanka waxaa waaye inay ka baqayaan , Awood Islaamiyiin oo Aasiya kasoo Muuqata , sidaa awgeed ayay Afka labo uga dhigeen.

    Mida Kale Heshiishka u yaal ayaa ah inaan Hub Culus Muslimiinta Gacan loo gelin !! Balse Swedhsihka Bahashii , Lacag ahayd ayaa Lagu Faraqay , Yaa Hadde Diiday Lacag oo la arkay ilaa hadda !!??

    Mida kale Kaa awood wayni waaye warkoodo , IIRAAN maxaa Nouclear-ka loogo Diidanyahay ?? Shiiconimadooda kasoo tag , balse , waxaa waaye inaga unbaa isla rabna cml warkoodo !!

    Dunida waxa asoo Maamulay , Dawladii Room oo loo Taag waayay , Muslimiinta ayaana Ganafka u Tuuray , waxaa ku xigay Faaris oo Awooda Dunida haysatay , Muslimiinta ayaa Afka Ciida u Dartay , Haddana MARAYKANKA ayaa Awood isbiday , Gacanta Muslimiinta ayuuna ku Baxaa Insha’Allah.

    Maxaa yeelay isaguba Dawladii Khilaafadii Cusmaaniyiinta ayuu Qabri ku Ogaaday !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0