Dowlada Sweden oo qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsiga Soomaalia [Sawirada]

3

Dowlada Sweden ayaa shalay magaalada Stockholm ku qabatay shir balaaran oo ku saabsan fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga Somalia. Shirkaan oo si weyn looga soo qeyb galay ayaa lagu lafa guray sida shirkadaha Swedishka ay ganacsi ula samayn karaan Somalia iyo sidii ay u maalgashan lahaayeen wadanka.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Soomaali aad u fara badan oo ka kala timid daafaha Yurub, Somalia iyo Dubai. Waxaa goobta xaadir ku ahaa wasiirka ganacsiga Sweden Ewa Björling iyo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Somalia Said Abdullahi Mohamed iyo madaxda shirkadaha ugu waaweyn Somalia sida Dahabshiil, Hormood, Golis, Telesom iyo kuwa kale. Waxaa sidoo kale joogay wufuud ka socota maamul goboleedyada Somalia sida Puntland, Somaliland iyo Jubbaland. Iyo safiirka Sweden u qaabilsan Somalia.Mr Mikael Lindvall oo ii sheegay in uu isbuuckasta booqasho ku tago Muqdisho. 

Shirka ayaa lagu lafa garay fursadaha ganacsiga ee ka jira Isgaarsiinta, caafimaadka, dhismaha, dhaqaalaha iyo gaadiidka. Waxaa la qabtay doodo iyo wadahadal ku saabsan sida Swedishku ay Somalia uga qeyb gali karaan iyo sida ay u heli karaan Soomaali la shaqaysa. Shirkadaha Swedishka ee goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Volvo, Siemens, Ericsson iyo kuwa kale.

Runtii shirkaan ayaa waxa uu muujiyay muhiimada ay leeddahay Somalia iyo in ay isbadalayso aragtida Sweden ee ku aadan wadanka. Iyadoo xiligii hore la qabanjiray shirar ku saabsan dib u heshiisiin, gargaarka iyo siyaasada ayaa hada loo gudbay ganacsiga iyo maalgashiga taasoo muujinaysa isbedalka ka socda Somalia.

Inkastoo ay wali Swedishka ka muuqatay cabsida iyo xirxirnaanshaha ayay hadana muhiim tahay in dowlada Sweden ay iyadu qaaday talaabada lagu qabanqaabiyay shirkaan. Waxaa qaasatan muhiim ahayd sida ay Soomaalidu uga soo qeyb galeen

Maadaama aan ka midahay dadka sida weyn u xiiseeya arimaha ganacsiga isla markaana dhowr shirkadood ka abuuray wadanka Sweden, ayaan aad ugu farxay markii aan helay warbixinta shirkaan. Inkastoo aan u arkay shirka mid guul ku dhamaaday ayaan hadana dhowr arimahood dhibsaday. Qaasatan sida Soomaalidu ay wali isugu dhexwadaan ganacsiga iyo siyaasada. oo gobolaysi iyo qabiilaysi ay wali ka muuqato fikirkooda.

20140610_092421

shirka-stockholm-1

20140610_171833

20140610_095211

shirka-stockholm-2

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here