Dowlada Sweden oo qorshaynaysa in ay baasaboorada ka qaadato dadka u safraya Syria

5

Dowlada Sweden ayaa shaacisay qorshe cusub oo la doonayo in baasaboorka looga xareeyo dhalinyarada doonaysa in ay u safraan dagaalada ka socda Syria iyo Iraq. Dowlada ayaa hada ku jidha samaynta sharcigaan oo la filayo in uu dhaqan galo 2016. Dadka looga shakiyo in ay bixi rabaan ayaa sidoo kale laga mamnuuci doonaa safarka.

Wasiirka arimaha gudaha Sweden Anders Ygeman ayaa telefishinka SVT u sheegay in baasaboorka laga qaadi doono dhalinyarada looga shakiyo in ay u bixi doonaan dagaalada ka socda bariga dhexe. Isagoo intaasi ku daray in aysan fiicnayn in qaar ka mid ah dhalinyaradaan ay si joogto ah u kala gooshaan Sweden iyo goobaha dagaalka.

Säpo oo ah booliska qaabilsan arimaha argagixisada ayaa sheegay in ugu yaraan 100 dhalinyaro Swedish ah ay ka qeybqaateen dagaalada bariga dhexe. Ugu yaraan 4 dhalinyaro Soomali ah ayaa lagu dilay dagaaladaas. Iyadoo sadex ka mid ah ay ka tageen magaalada Örebro.

Qorshaha Sweden ayaan ahayn mid cusub iyadoo wadamada UK iyo France ay ka dhawaajiyeen qorshayaal la mid ah midkaan, oo xitaa la doonayo in baasaboorka looga kansalo qofka u safra dagaalada isagoo aan dib ugu soo noqon karin wadankii uu ka tagay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here