Dukaamada Expert oo qasaaray iyo xaraash la samaynayo

4

Dukaanka lagu iibiyo qalabka elektorooniga ee lagu magacaabo Expert ayaa qasaaray. ilaa 73 dukaan oo uu leeyahay Expert ayaa irdaha la’isugu dhuftay iyagoo dhamaadka isbuuca la filayo in ay sameeyaan xaraash.

Sababta ka dambaysa qasaarada dukaamada Expert ayaa maamulka shirkada ku sheegeen in ay tahay suuqa oo ciriiri ah iyo dukaanka oo mudo badan qasaare ku jiray. Bilowga isbuucaan ayaa maamulka dukaanka waxay maxkamada Linköping ka codsadeen waxa loo yaqaan (konkursansökan) oo ah in dukaanka uu uusan daymaha iska bixin karin.

Shaqaale gaaraya 80o qof ayaa ku shaqo beeli doona qasaarada Expert. Balse arinta xiisaha leh ayaa ah in isbuucaan dhamaadkiisa Jimcada ama Sabtida uu Expert xaraashi doono dhamaan waxyaabaha yaala dukaamada. Xaraashka ayaa la filayaa in dadku ay qiimo jaban ku qaadan doonaan alaabada kala duwan sida kombutarada, telefishinada, moobeelada iyi iwm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here