Dukaanka ICA oo lagu eedeeyay in ay argagixisada taageero u sameeyeen

2

Dukaanka ICA Maxi ee cuntada laga iibsado ayaa lagu eedeeyay isbuucaan in uu taageero u fidiyay ururka ISIS ee ka dagaalama bariga dhexe. Dhacdadaan ayaa ka dambeysay ka dib markii dukaanka qeybtiisa magaalada Hässleholm ay internetka soo galiyeen olole lacag ururin ah oo ay ugu tala-galeen urur lagu magacaabo Frida Kvinnojour kuwaasoo ka shaqeeya xuquuqda dumarka.

Hadaba haddii aad la yaabantahay halka ay ISIS, ICA iyo xuquuda dumarku iska soo galeen ayay tahay mid dad badan ka yaabisay balse dhacdada ayaan la xiriirin arintaas. ICA ayaa markii ay ololaha ku dhawaaqeen waxay soo galiyeen boggooda Facebook sawir muujinaya qaar ka mid ah shaqaalahooda oo farta kor u taagaya. Qaabka ay farta u taageen ayaa waxay u dhowdahay marka qofka Muslimka ah uu shahaadada qirayo taasoo muujinayso in Allah mooyee aysan jirin cid kale oo la caabudo.

Balse qaar ka mid ah macaamiisha ICA iyo saxaafada ayaa waxay ICA ku eedeeyeen in ay isticmaaleen calaamad ka mid ah calaamaha ururka Daesh ama ISIS taasoo argagax ku noqotay shaqaalaha dukaanka. Qaar ka mid ah macaamiishooda ayaa soo qoray in ay ka xunyihiin oo ka caroodeen in dukaankooda uu taageero ISIS.

Reer galbeeedka ayaa u muuqda kuwo argagax iyo doqonimo ka qaaday guulaha ay ISIS ka gaadhay bariga dhexe, iyagoo waxkasta la xiriirinaya ururkaas. Dhowr isbuuc ka hor ayay ahayd markii urur Swedish ah oo ay ku midaysan yihiin ragga garka leh loogu wacay booliska, ka dib markii ay dadka qaarkood sheegeen in ay arkeen koox ISIS Ka mid ah oo ku kulmaysa bartamaha Sweden. Dhacdooyinka nuucaan ah oo ula qosolka ah ayaa muujinaya aqoon darada haysata Swedishka. Goorma ayay calaamad gooni ah u noqotay farta shahaadada ISIS? waa la yaab!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here