Dukaanka qamriga oo isaga guuraya xaafada Tensta

13

Dukaanka ay leedahay dowlada Sweden ee lagu iibiyo qamriga Systembolaget ayaa irdaha isugu dhufanaya qeybta ay ku leeyihiin xaafada soo galootiga u badanyihiin ee Tensta, Stockholm.

Sababta ay u xirayaan dukaanka qamriga ayaa maamulku sheegeen in ay tahay maacamiishii oo ku yaraatay deegaanka iyo xaga amaanka dukaanka oo soo xumaaday. Qaar ka mid ah dadka ku xiran dukaankaas ayaa si weyn uga xumaaday in dukaankii qamriga uu ka fogaatay xaafada. Dhinaca kale dad badan ayaa soo dhaweynaya arintaan.

Xaafada Tensta oo ka mid ah xaafadaha ay Soomaalida ugu badanyihiin ayaa waqtiyadii dambe waxaa ka socday barakac ay ka barakacayaan adeegyada dowlada iyo kuwa Swedishka. Waxaa ugu dambeeyay xafiiskii bankiga Nordea oo isaga guuraya xaafadaas. Dadka deegaanka ayaa sheegay in mustaqbalka xarunta Tensta Centrum uu shaki ku jiro.

Systembolaget ayaa ah shirkad ay leedahay Dowlada Sweden oo qamriga iibisa. Waxay dukaamo ku leedahay guud ahaan wadanka oo dhan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here