Koox dumar Soomaali ah ayaa ka qeyb qaadanaya tartan orod oo ka dhacaya Stockholm. Tartankaan oo musaafadiisu ay tahay 5km ayaa lagu magacaabo Skärholmsloppet kaasoo ka dhici doona xaafada Skärholmen ee magaalada Stockholm. Kooxda haweenka Soomaalida ah oo u badan waalidiin ayaa markii ugu horeysay taariikhda ka qeyb gali doona tartaan.
“Dhamaanteen waa ordi doonaa si wadajir ah, waa arin qosol badan. Tani waa markii ugu horeysay ee dumarka Soomaalidu ay ordaan marka waa fiicantahay in aan caawimaad helno” ayay tiri Obah Mohamed oo ka tirsan waalidiinta Soomaalida
Dumarka Soomaalida ayaa orodka waxaa ka saacidaya urur lagu magacaabo Löparakademin kaasoo siinaya tababar isla markaana ka bixinaya qarashka iyo kabihii ay uga qeybgalayaan tartanka oo dhici doona bisha May 21.