Dumarka oo dowr weyn oo muuqda ka qaata howlgaladda jihaadka doonka ah ee Yurub

0

Kooxaha jihaad doonka ah ayaa haweenka siyaabo kala duwan u adeegsadda howlahooda jihaad ku sheega ah ee ay ka fuliyaan dalalka ku yaala reer galbeedka. Dhinacyada ay ka mid yihiin maalgelinta, fulinta howlgaladda iyo soo xerro gelinta gabdhaha dhalinyaradda ah ayaa kooxaha taabacsan kooxda Daacish u qaabilsan yihiin, sidaa waxaa sheegay Magnus Ranstorp oo cilmi baare dhinaca kooxaha argagaxisadda ah.

Qabiirkan ayaa sheegay in haweenka ay yihiin dowr muuqda marka la eeggo sida ay uga qeyb qaataan dhinacyada soo xerro gelinta shaqsiyaad fuliyaha howlaha ka dhanka ah Yurub. Wuxuu tusaale u soo qaatay mid ka mid ah gabdhaha taageera kooxada Daacish oo shan iyo tobban jir aheyd, gabadhan ayaa xirriir la yeelatay kooxdaasi,  waxaa la qabtay iyadoo dooneeysay ineey fuliso qaraxyo ay ka geeysan laheyd labbo iskuul oo ku yaala dalka Deenmark.

Ciidammadda ammaanka u qaabilsan Midowga Yurub ayaa warbixintooda sanad laha ay soo saareen waxeey ku sheegeen in haweenka ay dhinacyo muuqdo u leeyihiin howlaha la xirriira falalka argagaxisanimo ee laga fuliyo Yurub gudaheeda. Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lugu xusay ineey jiraan waxyaabo badan oo hadana haweenkaaso u diidaya ineey fuliyaan marka loo eeggo ragga. Tanina ay ka dhigan ineeysan ciidamadda ka hortaga kooxaha argagaxisadda ahi il gaar ah ku eeggin haweenkaasi jihaad doonka ah.

“Waxeey qarin karaan howshooda, isku sina uma muuqdaan iyaga iyo ragga, waxaana u maleeynayaa in booliska eeysan jecleeysan sawirkaasi cabsi ee ay haweenku leeyihiin, baalse kaalmadda ay haweenku siiyaan kooxaha argagaxisada ah waa mid ka baaxad weyn sida loo maleeynayo” ayuu yiri Magnus Ranstorp oo ka tirsan kuliyadda difaaca Iswiidhan. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in qeybaha ay ka mid yihiin farsammadda, soo gelinta waxyaabaha, soo xerro gelinta dhalinyaradda iyo maalgelintaba ay yihiin qeybaha ugu weyn ee haweenka jihaad doonka ahi sameeyaan.

Dhinaca kale saddexdii sanno ee ugu dambeeysay waxaa la qabtay shaqsiyaad badan  oo kamid ah kooxaha jihaad doonka ah, 718 ruux ayaa 24% yihiin haween taas oo macnaheedu tahay in afartii qofood oo kooxahaasi ka mid ahi ay tahay haweeen ama qof dumar ah. Laakin fulinta qaraxyada ayaan aheyn kuwa ay haweenkaasi fuliyaan marka loo eeggo ragga.

Ugu dambeyntii warbixintan ayaa lugu xusay in haweenka jihaad doonka ah ee taabacsan kooxda Daacish haatan la dareemayo walaac ay leedahay, waxaana ay warbixintu farta ku fiiqday ineey yihiin kuwo sahlay howlo badan oo kooxahaasi fuliyeen.

Somaliska.com/Wakaaladaha/Metro

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here