Duqa magaalada Borlänge oo so dhaweeyay ciyaartoyda Somalia

Dad gaaraya 400 qof oo isugu jira Soomaali iyo Swedishka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciyaartoyda kooxda Bandy Somalia ee hada ka soo laabtay wadanka Ruushka. Xaflad weyn oo lagu qabtay bartamaha Borlänge ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ruxayay calanka Soomaalia.

Waxaa sidoo kale koobta xaadir ku ahaa duqa magaalada Borlänge  Jan Bohman iyo Swedish badan. Duqa magaalada ayaa sheegay in Kamuunka ay Soomaalida ku taageereen 50,000kr balse ay ka helaan dacaayad aad u wanaagsan caalamka oo dhan oo aysan lacagtaas u goyseen.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay labada nin ee caanka ah ee Filip Hammar iyo Fredrik Wikingsson kuwaasoo Sweden si weyn looga yaqaano. Labadaan nin ayaa dhowr bilood la socday kooxda Somalia iyagoo ka diyaarinaya filim la soo bandhigi doono maalina qaranka Sweden.

Ciyaartoyda ayaa farxad iyo reyn reyn ka muuqatay iyagoo sheegay in xitaa wadanka Ruushka si weyn loogu soo dhaweeyay oo halkaas ay ka noqdeen kooxda ugu caansan.

somalia-bandy

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. dadka iyo dalka alow dhor says:

    farxad weyn ayay notahay hadi aan nahay Somaali waxa nagu filan in calankeyna sharaftisa kur loosi qaaday oo dad caan ah naga so baxeen xita waxay tusaato iyo rajo u sameyneysa dhalin yarada kale kuwaas oo helaya rajo fican

    way mahadsanyihin dhalin ciyaartoyda waana ku farxay dadalka ay qabteen

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. balcad says:

    hambalyo dhalinta somaliyeed ee sharafta iyo idhaha calamka kuso jadiyey mahan oo kaliya inaan gulesano lakin waxa sharaf ah in calankena meahaas anlatagno tusno inaa nahay wadan jiro guul uso hoyatay waye uma somaliyeed

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Mohamed Omar says:

    Asc dhamaan Somali band waad ku mahadsantihin sida kartida leh iyo magaca aad usoo wada hoyseen umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan deegaanka Borlänge. tani waa tusaalo wanaagsan oo mudan ku dayasho inaan wax kasta baran karno lana qabsan karo bulsha weynta ku nool Swedhan.
    waxaan u mahadcelinaya macaliminta iyo taageerayaasha iskugu jira Swedish,Soomaali iyo soo galootiga kaleba
    waxaan ku boorinayaa dhalinayarada Soomaaliyeed inay qaadaan talaabooyin walba oo horumar lagu gaari karo si wanagsan oo ixtiraam ku jirana aan kula wada noolaano shacbka dalkooda nagu soo martigeliyey dhaqankeena iyo diinteena waa inaan ka tagin muujinana horumar iyo karti dheeraad ah .

    Mahadsanidin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1