Duufaan culus oo ku dhufatay Sweden

10

Duufaan culus ayaa xalay ku dhufatay koonfurta Sweden iyadoo hada ku soo fool leh qeybaha kale ee wadanka. Duufaantaan oobaraf loogu magacdaray Sven ayaa ka soo bilaabatay wadanka Germany, iyadoo cagta soo marisay Denmark iyo koonfurta iyo galbeedka Sweden. Kumanaan guri ayaa koronto la’aan ku dhacday.

Duufaanta ayaa wadata baraf aad u badan iyadoo dadka baabuurta leh looga digay in aysan kaxaysan baabuurta. Tareenada ayaa waxaa ku yimid daahitaan aad u balaaran. Gobolada  Skåne, Halland, iyo Bohuslän ayay dabayshu si aad ah u saamaysay. Agagaarka Stockholm iyo bariga Sweden ayaa saamaynteeda laga dareemay Jimcada iyadoo la filayo in ay sii siyaado.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here