“Duurka ayaa noqonaya mustaqbalkooda”

8

Tiro Soomaali ah oo ku dhaqan magaalooyinka Borlänge iyo Fagersta ayaa waxaa u socoto waxbarashada duurka taasoo la doonayo in ay mustaqbalka ka shaqeeyaan daryeelka iyo jarida geedaha. Iyadoo jarida iyo daryeelka dhirta ay tahay qeyb weyn oo ka mid ah dhaqaalaha Sweden ayaa hadana waxaa yaraaday shaqaalaha doonaya in ay ka shaqeeyaan duurka.

Soomaalida waxbarashada loo diray ayaa ku faraxsan haddii ay shaqo ku helayaan marka ay waxbarashada dhamaystaan balse qaarkood ayaa cabasho ka muujiyay hawsha adag ee la xiriirta shaqadaan. Xiligaan qabowga ayaa xitaa ay socotaa shaqada duurka.

Waxbarashada ayaa ka kooban labo qeybood oo qeybta hore ay tahay casharo ku saabsan nuucyada geedaha iyo guud ahaan duurka. Qeybta kale ayaa ah qeybta la galayo duurka oo hawsha dhabta ah la qabanayo. Qaar ka mid ah Soomaalidii loo qaatay waxbarashada ayaa ku haray qeybtii hore halka ragga firfircoon ay horay u socdeen.

Raggaan ayaa marka ay waxbarashada dhamaystaan waxaa la filayaa in ay shaqo sahal ku heli doonaan qaasatan shaqooyinka xiliga ama ku meel gaar ah.

Daawo Video

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here