Eskilstuna oo qaaday koobka kubada cagta Somaliska Sommarcupen

2

Magaalada Enköping ayaan maanta waxaa ka dhacay koob xiiso badan oo loogu magacdaray Somaliska Sommarcupen. Kooxda ka socotay magaalada Eskilstuna ayaa si xamaasad leh uga qaaday koobka kooxdii ka socotay Stockholm. Ciyaarta  ayaa ku bilaabatay iyadoo la filayay in kooxaha Stockholm iyo Eskilstuna ay midkood qaadi doonto balse kooxda Köping ayaa lafteeda soo bandhigtay ciyaar kulul inkastoo markii dambe ay hoos u dhacday ciyaartooda iyagoo galay kaalinta 4-aad.

Kooxda ka socotay magaalada Fagersta ayaa gashay kaalinta ugu hooseysa iyagoon helin wax dhibco ah. Ciyaarta oo ay ku loolamayeen kooxo ka socday magalooyinka ku dhow Stockholm ayaa waxay ku dhamaatay jawi farxad leh, inkastoo kooxda Stockholm ka socotay ay niyad jab uga tageen koobta iyagoo rajo weyn ka qabay in ay qaadayaan koobka isla markaana goolka raysmada laga dhaliyay ciyaarta oo ay ka dhimantahay 20 sakan oo keliya.

Ciyaartoyda Eskilstuna ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan iyo xirfad sareysa, iyagoo soo kaxaystay taageerayaal daacad u ah kooxdooda. Waxaan leenahayy Hambalyo Eskilstuna. Dhamaan kooxaha ka soo qeybgalay waxaan leenahay waa ku mahadsantihiin ka soo qeyb galkiina.

DAAWO SAWIRADA…

20130609_190804(0)

somaliska-sommar-k-3

somaliska-sommar-k-4

somaliska-sommar-k-1

somaliska-sommar-k-2

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here