Ethiopia oo argagixiso ku xukuntay wariyaal Swedish ah

Wariyaal Swedish ah oo dhowr bilood ka hor laga soo qabtay dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa waxay ku xukuntay dambiyo la xiriira taageero argagixiso iyo in ay wadanka sharci daro ku soo galeen.

Labada wariye ee kala ah Martin Schibbye iyo Johan Persson ayaa dhowr bilood ku jiray xabsiyada Ethiopia iyaga oo lagu soo qabtay dagaal dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo jabhada ONLF. Maxkamad ku taala Addis Ababa ayaa maanta sheegtay in raggaan ay galeen dambiyada lagu soo oogay oo ah taageero argagixiso oo loola jeedo ONLF.

Dambi oogayaasha maxkamada ayaa dalbaday in raggaan lagu xukumo mudada xabsiga ugu dheer oo ah 18 sano. Bisha December 27 ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo xabsigooda.

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ka hadlay arinta wariyaasha ayaa dalbaday in la siidaayo sida ugu dhaqsiyaha badan. Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay xiriir la sameeyeen madaxda Ethiopia oo ay ka wardhowrayaan.

Wariyaashaan ayaa intaan la soo xirin waxay Ethiopia ka soo galeen dhinaca Soomaaliya iyaga oo isku dayaayay in ay warbixin ka keenaan xaalada bani’aadanimo ee ka jirta dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. Khadija says:

    Geesinimada qaarkeed baxar ayay ku gelisaa mararka qaar. Waxay ahayd in lagu xukumo oo keliya dembiga ah iney si sharci darro ah wadanka ku galeen laakiin argagixiso waa sheeko raqiisa waana loo jeedaa iney wariyeyaal ahaayeen rabay keliya iney xaqiiqada iyo dhibta gobolkaas ka jirta ka tebiyaan balse nasiib darro gacantaa lagu dhigay. Mar hadey xoriyadooda heli lahaayeen waxan u maleyn inaan laga maqleen meel dagaalo ka jiraan ayaan warar kasoo qaadeynaa.
    Goorma ayay Afrika ka xoroobi doontaa caburinta saxaafadda?.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. somaliboys says:

    waaaa runta khadiiija ONLF ooo ah dad umaaadood iyo dadkoodu baabiyayaa ayaa ka dambeeyaya bal manta maskiiinta yar yare ee ayaaaa wadankooodi ka kaxeeyaya ha ka soo saraaan meesha lagu turay
    Ethiopia ayaaa is laaheee yihin waxbaaad ka qadi kartaaaan war calanka iyo africa iyaaga ayaaaa ugu sareeeyaaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

    • Dulmi diide says:

      Somaliboy…….itopian xamar ayuu mar labaad kuugu soo socdaaye….ama biyaha ka daba qaad…ama gabdhaha yar yar noloshaada ku badalo

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. xaaji baq says:

    zanawi tiibisho ku dishay dadkaan masakiinta ah taloow muxuu ka raba dowlada sweden waxaan ka codsana in aay ka goostan cayrta aay siyaan ethiopia haddi aaysan dagdag kusoo dayn wariiyashan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. yeeene says:

    ONLF waa tuugada baabi isay Somali Ethiopia iyaka ohuwan magac qabiil ayay rabaaninay dadka majara habaabiyaan Somalidiikalee ee deeganka daganaydna waxaa ay dheheeen waa Ogadeenkaliye…. hunguri waynigaas waalaguyaqaanay reerka ee iskadaa wakhtigaa runta usheegi dooneeeeeee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Jaamac says:

    Adeerayaal waxaan u arkaa inaad inaad kharaarsantahiin Yeeene iyo Somaliboy. Dhulku waa Ogaden, dadku waa Ogaden kaalaya idinku kabadala, mida kale wadamadan aad joogtaan rag ayaa maskax kaliyay. Marka waxaad moodaan inaad joogtaan dhulkiinii hooyo Jaahiliin wada qalbi dhagax ah ayaad tahiin.

    Somalia meesha ay maanta taalana Ethiopia ayaa dhigtay. Dadka somalida ahna labadiina oo miidhan yaa kabuuxo. Dad wax ogna iniidan ahayna waxaa laga garan magacyaasha aad wadatiin Somaliboy iyo yeeene magac somaliyeedba mahan waxaas.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. suleman says:

    Waaa wax laga xumaado wariyaayaal shaqadoodii gudanaya iney ku tilmaamaan argagixiso. Laakiin ethiopia somali ay isaga eryooto umalaysey umaddoo dhan Ma iyaga Ka haysan kara dowlad yurubiyan ah walahi cirka iyo dhulka laga qarinaya ethiopia hadey soo sii deyn waayaan wariyayaashas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. suleman says:

    Ethiopianka gaajada u dhimanaya ayey swedhishku lacag iska aruuriyaan sey ugu badbaadiyaan. Dadkooda iyagana kafantoodii u tolayanfilaya wariyayaal ku tilmaamen argagixiso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. halmstad somali says:

    asc all somalida waan idin salamay. ragaan masakiinta manta ku jira gacan cadow ah oo rabay ineey dadka onlf oo ku dhibateesan ineey wax ka soo tuuban ayee u adeen mantaneh waxa la ku edeynayaa ineey yihiin dad argagixiso ah aniga ahanteeda aad iyo aad ayaan uku xumahay insha Allahu xurnimadooda weey u soo noqondontaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Massago says:

    18-SANO WAA WAX TIRSAN WAANA DHAMAANEE LKN WAXAA IGA SU,AAL AH FREDRIK STATMINSTR WAXAW ILAABAY MIYAAA WARIYE DAWID ISAAQ OO 10-SANO KUJURO XABSI ILAA HADANA AAN LA XUKUMIN MASE ASIGA WAXAW HEESTAA DHALASHA KALE O KUWAAN KU XAQUUQ MAAHIN TAAS WAXEEY DALIIL U TAHAY SI KASTO OOD U HEEYSATO DHALASHA SWEDESH AH INAADAN KU XAQUUQ EHEYN AMA AAN LAGU OGEEYN SIDA KUWA U DHASHAY OO KALE LO OG YAHAH. MARTIN WAXAA LOO OGOLAADAY INEY AADO AMA SOO ARAGTO XAASKIISA LENEA LKN ISAAQ ILMAHIIISA WAA LOO DIIDAY INEEY XATAA WACAAN AY SALAMAAAN AMA OGAADAAN XALKA AW KU SUGAN YAHAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. ayaan södertalje sweden says:

    asc all my brothers and milkilaha shabakadaan jimcale si ay ku jirto walaaltinimo iyo xushmad ayaan ku salamayaa wadna ku maahdsan tahay sida sharafta iyo walaaltinimada ay ku jirto oo aad ogu soo jawaabto comment.taa kadib somali waxaa meeshan kusoo qorto wax inta ogu badan ay sweden ku cusub yahiin ama all yurub markastana ma dhaco hadalka biyo shubkiisa marka please murun wadankiina 20sano marar badan meeshan wan soo galay waxaan arkay dad iska murmayo iska soo qoraayo waxey rabaan please and please haduu aadan ku qanacsaneen waxa u soo qoro websidkan hasoo galin ma rabno in aan naga mashqulisid aqriska commentka dadka gale ay soo qoran oo aan wax ka faideysan laheyn itobio ragaan ay xertaan hadey iska soo deyn wey is cebeysay aduun weynaha ayeese isku soo iftiimisay waana wax ogu qoran balka la xisabtanka hada ay aheyd mar´kii loo fidiyay gargar cafimaad oo ay sweden ka tageen dhaqatir oo ay halkaas waxii afka ka faruurnaa ee itobiyaan logu sameyay qalino kala duwan si kastaba ha ahaato itobio ma ahan wadan runtii ka mid ah wandamada aan xiriirka inaga dhaxeyo waa wadan inagu cadaw ah iyada iyo kenya waana hadii aan is fahmi weyno waa wadamada kala goosan rabo somaliya marka somalaay is raca or kuligiina kasoo taga wadankiina ee imaada yurub iyo america then ilmahiina dhan haniliga gurto wabilaahi towfiiq’

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. ayaan södertalje sweden says:

    ku socoto massago i like it walaahi hadalkaada kkkkkkkkkk waa loo bahan yahay in laga dhawajiyo taas oo kale dawid isaaq runti bakeedka xunoo gaduudan wuu qatay laakiin marnaba ha u maleyn in u ku xaquuq yahay kan indha baluuga leh wax kale iska dhaaf ilmaha aan inta ku dhalnay ay swiidhishka ogu yeraan landlos nin wadankiisa dhumiyay markaad dalbaneyso dhalshada swidhan marka marnaba la mid noqon meyn kii ku dhashay ama kii imaday oo dhalshadiisa baladay marka ninkaasna ilaahey ayaan u tugaya in rabi kasoo baxsho xabsigaas u ku jiro insha alaah laakiin maba u maleynaayo inuu nol yahay ninkaas waayo malmahan mab maqlo hadalkiisa ilaaheyna wadankeena nabad ha inogu dhigo aamin aamin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. nin somali ah says:

    salaan ka dib waxaan aad u farxay sida massago iyo ayaan u fahmeen dadka caddanka ah iyo sweden.ba, runtu waa sidda dadku waa caddan iyo waxba ama passka sweden heyso ama qaxooti ku ahow ama dalkii aad u dhalatahy joog, sidda darteed nimanka swedish ah waa la soo deynaya wax kasta oo lagu xukumo ama lagu edeyo, mardhow waa soo baxayaan taasi waa xaqiiq, waxaa ku filan oo keli ah in usa la waco, marka wakhti ha ku luminina, waana salamtihiin dhamman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. massago says:

    Ayaan Tack ska du ha,syster wlh xaqiiqda waasidaad sheegtay waxbaa uun kugu godan wali sikastood u tahay medborg tan kale dawid isaaq inaw dhintay aan maqlay artikel lagu soo qoray Metro mug hore lkn wali lama hubo
    waxaansa kuu sheegaa wali waxbaa uun naga dhiman oo horaa loo yiri nin walbow wadankaa wax kuu dhaamo maleh rabi ayan ka sugeeynaa inaw noo xasiliiyo wadankeena

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. nin somali ah says:

    ma ogtahay sharciga,
    shacabku uma sinoo,
    shaxda uu ka duulaa,
    shagligaaga weeye.
    Intood shar necebtahay,
    Shiikh ama shariif tahay,
    sidaad tahay shabeel baas
    shuhubaa ku saarano,
    aar sharublaa tahay.

    macnaha heestu waa mar haddi aad tahay, madow, islam, afrikan,
    dadka caddan ah agtooda wax aad ka tahay ma jiraan, alle weyne dalkeenii ha inoo badeyo aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. ayaan södertalje sweden says:

    sverige jogtaa walal aragtaa sverige jogaataa maanta iyo shalay isku mid sebrige jogtaa baraf aragtaa sverige jogaa welwel aragtaa sverige jogtaa wareer aragtaa sverige jogtaa sociol ka baqtaa sverige jogta cusuriyad aragta sverige jogtaa ilmo ka cabsataa u cabsataa taleefon weheshataa hurdo sexatiyo taleefonko adan xerino ilmihiyood skul kaga maqano aad dhowreyso sarirta aad kortiyo sad isku gedgedineysso postado ku imadiyo taleefan ka kiciyo asxabtiyo kugu soo wacdo adan diyaar u aheyn inaad ka qabato iska kaa soo wacday telkaad u furtay ilmihii saas ayaaba kugu dhamaatay hurdadii oo aad ku indho gaduudsatay postada ka baqdaa hur samar ka baxdaa xafar sugtaa xafar ka baxdaa roob sugtaa rob ka baxdaa qabow sugtaa qabow ka baxdaa baraf sugtaa baraf imado dhacow ka baqdaa mugdi ka baqdaa salaad isku xigjis iyo waqtigoo gaban sverige jogtaa s f i aan dhamaan iyo baraktig dabo dheer iskulkooda subaxdii u kalah oo aan natiija laheyn iyo ceyrto 9warqad ku sirtiyo lacagtoo laga soo dahshay iyo shirkadii gurgoo qeynuno cusub kentiyo ijarkood la dahdo shaqadiyo hadaad heesho lagugu cusuriyeeynaayo aad ka baqeyso kuwo kala shaqeynaayo oo adan awood wax la dhaho maya iyo shaqadiyo adan ogeyn waqtigaad shaqeyneyso leyska kaa soo wacayo waqtigey rabanaa intii xumeyd oo ay dadka naceen lagugu casumayo hadey mayadaada badato lagugu waceyni fastigaada dabao dheeraad shaqadiyo ka dhamaato aad akassa qadaneyso aan lagug deynino mishaarkadiyo lagu kaal qeybiyo iyo xafiska shaqado ku dabo dhigto ku diro manpower kugu sii xawilo shaqo mala yacni iyo kurs la dhaho waqti lumis intaas aan soo sheegay yaa ka badbaday?waxaa ka badbaday ninkii wax barto oo la imaado shahaado xirfad ah ayaa ka badbaday inta kale waa walal ku nool hadaad is dhahado intas ka badbadee sanad kasto ilmo dhalna walwalkii aad ku badisay iyo ceyrtiyo kusii barato iyo shaqadiyo kasii fogaato hooyo 5 ciyaal dhashay qof shaqo biyo shaqo ma sinaayo waa inta nolashadeyda ka hartay iyo ceyr somaliyoy toosoy toosoy isku tirsada hadba kina tagdaran tagera wlaigiina wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. alfnan says:

    war waxaan duqonkaa maxuu aha oo labaxay somaliboys war nuudaa magaca hadii aad ethipia nacableeye u tahay run ahaanti waxa ay katahay majirto aduunka waana ugaan doonta nimankaan bani aadamnimado ku jirto waala sii dayna ilaa ayaa caawindoona kana waantow in aad hadaladaas bulshada ladhex timaato handikabyahow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Ahmed says:

    Ayaan, markan waad nagu soomaali baratay ee. Mise waa nooc kale oo loo gabyo oo aanaan oqoon. Somaligii aduunkaad isagu keentay ee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. Ethiopia says:

    Aduuuuuuuuun yo Hadii aan somali nahay hadii aan sidaan Ethiopia u jeclaysanayno Somali wadani ma tihidiin meel walba ad jogtaan Ethiopian ayaa idin kugu taliya dhulkina haysta adunka kale na idin ku maamula Sorry

    wariyaasha dhab radis ka ah ee warka xaqiiqdisa rabay in ay radshan kana shegan runta halkaas ayay xireen Nasiib wanag hadi ay somali ahan lahayen horta mesha aya lagu dili laha oo lagu kufsan laaha Lakin nimanka waa swidhish sida darteedda waa la so daynaa lakin mida ogu daran ayaa ah dadkii ay adeen iyo dadkii ay rabeen in ay war sax ah ka keenaan aaway maay shacuurtooda ku cabiran wariye soo tuu ahaa xor calamka may u da’daall u galaan sidi nimankaa codkooda loo maqli laha , hadaba nimanka wa la so deyna lakin waxa dhab ah in la la hadli dona lana dhihi doono dadkan looma dhinto waqtina la isaga ma qaado ayaa lagu dhihi un marka ay so baxan nimankaa sabtana wa Somalida Kurdida ka fiican wadamadooda da’daal ogu jira sidii ay ku so ceshan lahayeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0