Ethiopia: Wariyaashii oo 11 sano lagu xukumay

Maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ayaa labada wariye ee kala ah Schibbye iyo Persson waxay ku xukuntay min 11 sano oo xabsi ah ka dib markii isbuucii la soo dhaafay lagu soo oogay dambi sheegaya in ay argagixiso gacan siinayeen.

Wariyaasha ayaa markii la xukumay aan wax dareen ah muujin iyadoo xaakimka maxkamada uu sheegay in amaanka iyo nabada lagu sugayo xabsigooda. Qareenka wariyaasha ayaa sheegay in aysan wali go’aansan in ay racfaan ka qaataan go’aankaan iyo in kale.

Labada wariye ayaa la soo qabtay iyaga oo wehlinaya jabhada ONLF ka dib markii dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada Ethiopia.

Dowlada Sweden ayaa lagu cambaareeyay in ay dafiicnimo muujisay markii uu soo gaaray xariga wariyaasha oo ay ahayd mar hore in ay si xoogan ula hadlaan dowlada uu hogaamiyo Meles Zenawi oo ku nool deeqda ay siiyaan midowga Yurub.

Isbuucaan ayuu markii ugu horeeysay ka hadlay raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfelt arinta wariyaasha isaga oo dalbaday in xoriyadooda loo soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Massago says:

    ASC- DHAMAAN INTA KUTIXAN MAREGTA SOMALISKA.COM KOBADAAS KADIB WAXAA U FURAN SWEDEN HAL WADO OO AH INEEY XABSIGOODA DHAHAN HALOO SOO WAREEJIYO SWEDEN WAABA HADEEY SUURA GALEEEYSO. TAN KALE STATMINSR FRED,UTRIKISMN BILDT OCH JUSTKMINS ASK SADAXDAAAS WAA DAD JILCAN INKASTOO DAWLADA SWDEN AYBA UGU JILCANTAHAY DAWLADAHA REER GALBEEDKA HADANA KUMABA SII JURAAN. KUWAAS MA,AQAAN WAXA XILKAAS LOOGU NOQ NOQAA MUG GASHOOW GOOORBA (M) IYO GAAB KATAABASHO AYAA MEESHA KUJURO ISKU SOO WADA DUUBE MARTIN IYO JOHAN WAXAAAN DHIHI LAHAY HA ISKA SAMRAAN JIKIR YALEM ETIOPIEN QUNJUNO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. mandeq says:

    mana xabsigi Ethiopie mesha aykujirayaan ilaa iyo 11 sano wale wax ay shegtaan waa arkeen ilahay hauga soo saqira waa bani adame

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. الله أكبر says:

    kkkkk Massago adi ma lagu dhibi laha xilka marka laga qado ayaga maxa logu cel cela kulaha lolz Alah u so saqira ku qosla Somalia hadi lagu qaban laha weriyeyashan way Banan baxi lahayen dadka u maleya ine ku nol yahin kr Sweden hala so dayo cml wadanka dowlada ka jirta wane la xukuma qofka qalad gashan Ethiopia waan necebahay lkn manta waxay Samaysay wan ku Faraxsanahay wayo waa Wadan Afrika maha in mar waliba lagu kor socda Somaalia Calamka waxu dono ka Samaysta kane hadlin kkkk Dadki so deya lamanaha ku heesayay A Somali ka dhashay ceyrta waye adi waxa ka hadashinahe Dadka wadanku joga maxa ka galay waxa ka dhaca yurub ilashada dheh Wadankina Sida dadka Qar in lo hayo nolosha ha u dhaqmina cml Sweden ilmaha iyo Dumarka Rer Ethiopia ee wax u dire wayne Cawine lkn Dowlad iyo xukun waa sheeko kale Somali maha u malaysa hadi an la cawin ine Nafta ka baxayso kk kkk k Somalida ha so saran hees la dhaha so Daya weriyayasha kkk oo ku socoto Ethiopia

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0