Faahfaahin ku saabsan go’aankii maxkamada socdaalka

55

Faahfaahin dheeraad ah ayaan ka helnay go’aankii maxkamada Socdaalka ay soo saartay doraad oo la filayo in uu si weyn wax uga badalo caqabadii mudada labada sano ah saarneyd mideynta reeraha Soomaalida.

Go’aanka cusub ee maxkamada ayaa macnihiisa yahay in aysan dad badan sugi doonin ilaa July 2012 balse hadaba ay bilaaban doonto in sharciga loo soo tuuro. Go’aanka maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa ku saabsanaa haweeney iyo gabadh yar oo 6 sano jir ah oo ka soo jeeda dalkaasi Ciraaq oo aan awoodin in ay cadeeyaan aqoonsigooda. Kiiska reerkaan ayaa la mid ah kuwa Soomaalida caruurta loo diiday.

Sharci yaqaanka Laanta Socdaalka Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in go’aanka maxkamada ay u isticmaali doonaan in ay dheecaanka DNA kaga qaadaan reeraha Soomaalida isla markaana ay ogolaanshaha ku siiyaan sidaa darteed.

“Go’aanku waxa uu furayaa albaabadii ay xirtay maxkamadu labo sano ka hor. Hada waxaan ku laabaneynaa in aan sharciyada si fudud u fasirno oo aan mideyno reero badan oo caruur leh” ayuu yiri Mikel Ribbenvik.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay hada baaritaan ku hayaan go’aanka oo aysan ku degdegi karin in ay macluumaad dheeri ah bixiyaan balse waxay cadeeyeen in uu yahay go’aankaan midkii la wada sugayay qaasatan faaiido weyn u leh reeraha Soomaalida.

“Go’aakaan waxa uu xalinayaa dhibaatooyinka badan oo hortaagnaa reeraha Soomaalida. Hada waxaan ku laabaneynaa sidii ay xaaladu ahayd ka hor 2009 oo waxaan go’aan ka gaari doonaa reero badan oo Soomaali ah” ayuu Ribbenvik hadalkiisa ku daray.

Go’aanka cusub ayaa macnihiisu yahay in reeraha Soomaalida aan lagu xiri doonin mar dambe in ay cadeeyaan aqoonsigooda balse la isticmaali doono dheecaanka DNA oo keliya isla markaana degenaanshaha la siin doono.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ayaan quseyn caruurta la soo korsaday iyo dadka aan wax isku dhalin oo wali lagu xujeyn doono in ay cadeeyaan aqoonsigooda.

Shuruuda kale ee ku saabsan baasaboorka ayaa la filayaa in lagu xaliyo sharci badalida ay wadaan dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet. Arintaan ayaa macnaheedu yahay in dadka caruurta leh hada sharciga la siin doono balse ay u badantahay in July ay wadanka soo gali doonaan haddii uusan imaan sharci fasaxaya in baasaboorka la bixiyo ka hor xiligaas.

Laanta Socdaalku waxay sheegeen in baasaboorka Främlingspass la siinayo cidii loo ogolaado sharciga degenaanshaha ee ka soo baxaysa wadamada Africa. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here