Faahfaahin: Sidee ayuu Soomaalida u saameynayaa isbedalka lagu sameynayo sharciga socdaalka

Sidii shalay aan soo qornay dowlada Sweden ayaa isbedalo waaweyn ku samaynaysa sharciga socdaalka. Akhristayaasha qaar ayaa u muuqda kuwo ciwaanka keliya akhrista ee aan gudaha u galin mowduuca, marka waxaan halkaan ku faahfaahinayaa qodobada ay dowladu wax ka badalayaan iyo sida ay Soomaalida u saameynayaan.

Dadka qaar ayaa soo qoray in aan anigu Soomaalida ka soo horjeeda oo aan magaca Soomaalida markasta soo qoro balse waxay hilmaameen in websitekaan uu u furanyahay Soomaalida, oo haddii laga hadlo qaxootiga oo dhan in aniga muhiimada iyo fikirka aan siinayo sida Soomaalida ay arimahaas u quseeyaan, balse muhiimadu ma ahan in Soomaalida la xumaynayo ama laga soo horjeedo. Boqorka gabar u dhalatay iwm anaga nama quseeyaan, mise wararka nuucaas ah ayaad doonaysaan???

Hadaba sharciga cusub sidee u saameynayaa Soomaalida.

  1. Sharciyada ku meel gaarka ah ee la bixinayo (Tidsbegränsade uppehållstillstånd) isbedalaan ayaa saameynaya dhamaan soo galootiga. Dadka laga soo qaado xeryaha qaxootiga iyo familada caruurta leh ee isdhiibay ka hor maanta ayuusan sharcigaan qaban doonin. Dhamaan dadka kale ayuu qabanayaa sharcigaan oo ay Soomaalidu ku jiraan.
  2. Mideynta qoysaska oo la xadidayo (Begränsad anhöriginvandring) qodobkaan ayaa saameynta ugu weyn ku yeelan doona Soomaalida. Sababta ayaa ah in qaar badan oo Soomaalida sharciga Sweden haysata lagu siiyay sharciga qodobka lagu magacaabo (alternativt skyddsbehövande) oo ah dadka kale ee Magangalyada u baahan, dadkaas ayaan lala mideyn doonin reerkooda. Qofka la siiyo degenaanshaha ku meel gaarka ah ayaan lala mideyn doonin qoyskiisa. Dadka haysta aqoonsiga qaxootiga ee Geneva ayuusan sharcigaan qaban doonin.
  3. Shuruuda biilka oo la adkaynayo (Skärpta försörjningskrav) isbedalkaan ayaa qabanaya dhamaan dadka doonaya in lala mideeyo qoyskooda, marka laga reebo qofkii dalbada in reerkiisa lala mideeyo sadexda bilood ee ugu horeysa marka uu sharciga qaato kaaasoo ah Geneva. Qofka keenaya qof kale Sweden ayay waajib noqon doontaa in uu biili karo.
  4. Qodobka Dadka kale ee Magangalyada u baahan (Övriga skyddsbehövande har inte rätt till uppehållstillstånd) oo aan sharci la siin doonin. Qodobkaan ayaa qaasatan Soomaalida si weyn u taabanaya maadaama sidii aan horey u sooo sheegay Soomaali badan sharciga lagu siin jiray qodobkaan iyo qodobka kale ee ah qof dhibaato qaas ah ay haysato (Synnerligen eller särskilt ömmande omständigheter). Tusaale ahaan dadka wadankooda uga soo cararay dagaalada ayaa qodobodaan sharciga lagu siin jiray.

Intaa waxaa dheer in dadka caruurta isku dhiiba ayaa caafimaad ahaan loo baari doonaa da’dooda, arintaas ayaa dood ka taagantahay iyadoo dadka qaar ay leeyihiin qofka da’diisa saxda ah ayay sheegi kartaa halka qaar kale leeyihiin Maya.

Waxay kale oo dowladu soo roggi doontaa in dhamaan gaadiidka dadweynaha ee soo gala Sweden, sida tareenada, maraakiibta, diyaaradaha iyo basaska ay waajib ku noqon doonto in ay dadka aqoonsi weydiiyaan inta aysan Sweden soo galin.

Sharciyada cusub ayaa dhaqan-galaya bisha April 2016.

Waxaan rajaynayaa in taasi ay faahfaahin idin ku filantahay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

34 Responses

  1. ali says:

    Sxb jimcale ad aya u mahadsantahay hal codsi aya rabay hada awodid in arimaha Norway san cml nola socodsisid ma qabno webkan san noga haqab diro waxa quseyo somalida Norway marka plz webkaga calami ka dhig yusan hal wadan ku ekan mahadsanid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 7

    • faarax says:

      Norway sharcigeeda horey ayee u adkeeysay, weeyna siiwadaa adkeenta, xisbi cunsuriyiin ayaa maamula norway. hadaa sharci suge tahay, ilaahey hakuu sahlo.

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 9

  2. ABDI says:

    Asc jimcale waxaa ku weydiiyey qof ajanabi oo passapor heesata soo guursaday oo go.aan suga ah arintaasi ma saameyneeysaaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  3. Haasan adde says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 14

  4. Cabdi yare says:

    ASC Qofkii xaskiisa iyo ilmihiisa u dacwoonaya oo haaysto daganaasho dabcan masaameyso ayaan filaa

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  5. ali laki says:

    Bro waxaan ku weydiinaa jimcaale sharcigaan masaameynaa dadka wadanka horay u joogay oo sharciga sugaayay tusaale aniga waxaan sharci sugooyaa 1 sano iyo sedax bil wax jawaab ah mahaayo malaga yaabaa in uu i saameeyo sharcigaan jawaab mase dadka abril kadambe is dhiibayo ayuu qabanayaa? Jawab bro

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  6. Awale Ayaanle says:

    Waxkasta Oo alle kuqoray Cidna u waakiilan meysid Dhaman inta Mawduucan sameyayna Calafkiina qaasari maysan ee Alle kuxidhnada Wax xumanaya majiraane

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 2

  7. Zaki says:

    Gaalada waxba idin mahayan aduuNku wa malmo xaga diinta halo bato

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 2

  8. Ismoil says:

    Arinka masruufku cid walba wuu samaynayaa oo xaaskiisa iyo caruurtiisa keensanraba AMA usocoto dacwado 1april wixii kadanbeeya intaa korhorna waa cadi sidii hore ayaa lagu dhaqmi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • BUULE says:

      asc haduu qofka dacdawa u socto 4 sano in kabadan degnaanshaha heesto ariga masruufka saameen maku yeelaneeysaa. Ismol

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Hawo says:

    Jag behöver sfi på lernie

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

    • Jimcale-maha says:

      Hawo Ismail Eedo halkan maha Lernia iyo Sfi hadaad rabto raadso, yaa ku waydiiyay ciwaankada kkkkkk

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Hawo says:

    806 32 gävle

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  11. Hawo says:

    Sicksackvagen 14 806 32 Gävle

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

    • Jimcale-maha says:

      Dadkan qaar baa maskaxda la’ !!!! Fadlan sifiican u akhriya qoraalka. Sharcigan wuxuu qabanayaa dadka cusub ee isdhiiba laga bilaabo 25 November 2015.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Fatma says:

    Asc walal jimcale waxan ku weeydiyey nin pass etopian hasto ayan so guursadey ee ma sameeyna sharcigan cusub fadlan jawab.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  13. Ahmed says:

    Asc Sxb jimcaale salan kadiib waxaan rabay inaan kuweydiiyo hadii u qof heysto daganaanshaha Rasmiga o sharciga la siiye neh uu yahay skydd ,,o cidiisa neh lix bil kahor u dacwooday ma qabanaayaa Sharcigaaan cusub ..wax yar iga taataabo
    aad ayaad u mahadsan tahay bror

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  14. Abdi says:

    Kan webkaan lahoo hadal saxan adigoo ku hadlaayo waligeey kuma aanan arag sxb dadka wax wanaagsan u soo qor wax niyada dadka niyada waa loo dhisaa xitaa wax xun hadeey tahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. Fatma says:

    Niyada been ma lugu dhisaa he runta wax ka fiicn maleh jimcale been niyad ha noogu dhisin raali kama nihin sida saxda ah ad so qorto lee noso goodbi hhhhhhhh

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  16. xassan shekh maxamud says:

    alxamdulilah sharciga ayaa maanta laisotuuray ,ilahay ayaa mahad iskaleh.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 2

  17. madaxweyne xassan shekh maxamud says:

    alxamdulilah maanta ayaa sharciga laisotuuray ilahay mahadis

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  18. Mungab says:

    Alxamdul mata sharciga helay muqdush ilahey wa iga kenay alxbdil hadan dacwad fura carurted haye qarbo doco xagin wa sweedn wa jeclahy wiligey qalbiga ku haya sharciga sharci qeer qabo alaha ka dhiigo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  19. Xamdi says:

    Asc walalayaal waxaan ubahanahay lawyer gotborg ayaan daganahay qof garan melaha lagalaxiriro haisoqoro plz ama adress wuxuu noqdaba

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

    • madaxweyne xassan shekh maxamud says:

      xamdi lawyerka wuxuu kaqadanaya 6000krone ,mid ayaan aqaana walashay oo jooga goteborg

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. ahmed says:

    Saaxiib jimcaale mahadsanid una dulqaado soomaalida waalan ee qabiilku dardaray ee dhulkoodii soo burburiyey oo gacmaha dhiigga ku wada leh.saaxiin ka subxaanalayso kuwaas. Maxaad u malaynaysaa kuwaan oo maanta muqdisho kugu heli lahaa kkkkk subxaanala waa ku cuni lahaayeen shaki kuma jiro. Qofkii dacwo qabo iswidhan ha u dacwoodo. Intaas hadalka ugu soo koob
    .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  21. ladane. says:

    Waxaan u sheegayaa qofkii rabo inuuu safro Africa gaar ahaan Kenya Qoyskiisa iyo Reerkiisana raba inuu lasoo nasto haystana baasaboorka yar inaan kuu fudududaynaayo arinkaas

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  22. salaad says:

    kkkkk sxb jimcaal waan ku taageersanahay nolow dadkan dhag ha u dhigin shaqo wacan baad haysaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. mohamed says:

    Warkaasi waa cadyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Xamdi says:

    Madaxwayne xassan walalow wan ubahanahay isoqor nambarkisa kheyr Allah hakusiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Xusen says:

    Ninkan Webka iska Leh Waa War Xun sheeg, Qumayo caadi ah weeyan, Balaayo war xun kulasoo Gudbisay, isagoo war wanaagsan soo qaadanaya, dadka u nacamlaynaya waxaan leeyahay fikirkiina saxda ah dhiibta, daba dhilifnimada waa laga fiicanyahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. abdullah says:

    Allah dhuk
    lkeena hanoo macaneeyo qurbo dhukeeni ma ahee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. muraad says:

    Asc Mr. Jimcaale. waxaan ku weydiinayaa Sharcifa ku miil gaarka ah dadkii ayuu saamiinayaa . Tusaali mala is dhihi karaa wuu saamiikayaa dadkii soo galay wadanka 10 bilood ka hor.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0