Facebook: “Gudbin-meeyno macluumaadka ku saabsan muslimiinta Mareeykanka”

0

Muddadii lugu jiray ololaha doorashada madaxtanimada dalkaasi Mareykanka ayaa Donald Trump oo xilligaasi ahaa musharax u tartamayey jagadaasi, waxaa uu sheegay in haddii xilka qabto uu sameeynayo mashruuc iyo aalado lugu keeydin doono macluumaadka muslimiinta dalkaasi ku nool.

Haatan oo noqday madaxweynaha la doortay ee dalkaasi, ayaan si cad loo ogeyn in uu ka dhabeyn hirgelinta mashruucaasi iyo in kale, Dhinaca kale tan iyo markii ay soo baxeen wararka  sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada bulshada ee teknoloojiyada laga doonayo ineey soo gudbiyaan xogaha muslimiinta Mareykanka, ayaa hadana madaxa barta bulshada sida weyn u adeegsato ee Facebook, Mark Zuckerberg, sheegay in shabakadiisa aaney gacan ku siineyn Trump iyo kooxdiisa hirgelinta qorshahaasi. Dhamaan shabakadaha ay adeegsadaan shucuubta caalamka  siiba kuwooda ku nool Mareykanka ayaa wel wel ka qaba in shabakadaha Google, Facebook, Twitter ay awood buuxdo u leeeyihiin bixinta xogaha   muslimiinta Mareykanka saaban.

“Ma jirto cid naga soo codsatay soo gudbinta xogaha muslimiinta, mana dhaceeyso dabcan inaan sidaas yeelno xeerkeenana kuma ku qorna inaan ku takri falno qasuusiyaadka bulshada iyo hey’adaha barnaamijyadeena adeegsada” ayuu yiri Mark Zuckerberg oo ah madax barta bulshada caanka ah ee Facebook.

Sidaas si la mid ah ayaa shabakadda Twitter, waxaa ay tilmaantay ineeysan abuureeyn barnaamij lugu keeydinayo xogta muslimiinta sharciyada u degsana uusan sidaasi qeexeyn. Maalintii arbacada ee toddobaadkan bartamihiisi ayaa Donald Trump, waxaa uu kulan la qaatay madaxda shirkadaha bixiya adeega teknoloojiyada iyo isgaarsiinta sida Apple, Google Microsoft iyo Alphabet. Kulankaas oo ahaa mid u muuqda in Trump doonayo inuu fikrado ka qaato hinsidihiisi ololaha doorashada balan qaaday ee ah inuu abuurayo keyd iyo diiwaan gelinta muslimiinta dalkaasi, ayaan la ogeyn waxa ka soo baxay mana jirin cid iyaga ka mid ah mas’uulintii shirtay oo saxaafada ugu waranta natiijadii ka soo baxday.

Inkastoo aas aasaha Facebook sheegay in bartiisa eeysan barnaamij noocaas ah qorshaha ugu jirin, hadana quburada dhinaca teknooljiyada ayaa sheegaya in mar horeba ay shirkadaha waa weyni sida Google iyo Facbook ay isku duweeen keyd la xirriira muslimiinta dalkaasi ku nool.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here