Facebook oo isbadal weyn lagu sameynayo

8

Bogga caalamiga ah ee Facebook ayaa ku dhawaaqay isbadel weyn oo lagu sameynayo qeybaha bogga qaasatan qeybta Profileka iyo qeybo cusub oo lagu soo darayo. Profileka hada la isticmaalo ayaa loo badalayaa wax ay ugu yeereen “Timeline” kaasoo ku dhisan taariikhdaada.

Qoraalada profilekaaga ayaa ka bilaabanaya maalintii aad dhalatay ilaa iyo maanta waxyaabaha ku saabsan ee aad galisay Facebook. Markii la riixo taariikhda ayaa laguu soo bandhigayaa bishaas ama sanadkaas waxyaabihii aad sameysay. Arintaan ayaa noqon karta mid dad badan ay ku jahwareeraan.

Facebook ayaa sidoo kale ku dhawaaqday adeeg cusub oo Music ah kaasoo aad ka dhageysan karto. Arinta kale oo muhiimka ah ayaa ah in markii aad akhrisato websiteyada qaarkood uu Facebook si otomatik ah u ogaanayo iyaga oo markaas qeybtaada ku daabacaya fariin sida “Jimcale is reading Somaliska” ama “Jimcale waxa uu akhrinayaa Somaliska” arintaan ayaa sidoo kale keeni karta in waxyaabo aadan u baahneyn in dadku ogaadaan uu Facebook si fasax la’aan ah u daabaco. Isbedaladaan ayaa hawada gali doona isbuucyada soo socda.

Facebook ayaa sidoo kale isbuucyadii la soo dhaafay bilaabay isbadalo yaryar sida in asxaabtaada aad u kala qeybin karto dhowr kooxood oo aad dooran karto cida aad wax la wadaageyso.

Facebook ayaa noqday goob ay ku kulmaan bulshada caalamka, isaga oo hada kor u dhaafay 800 milyan oo xubnood. Abuuraha Facebook wiilka da’da yar ee lagu magacaabo Mark Zuckerberg ayaa sheegay in isbuucii la soo dhaafay ay hal maalin keliya Facebook soo galeen 500 milyan oo qof.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here