Waxaa na soo gaaraya warar sheegaya in safaarada Sweden ee ku taala magaalada Addis Ababa ay bilowday qaadista faraha iyo indhaha. Arintaan ayaa waxaa noo sheegay dad kharaabadooda ogolaansho la siiyay kuwaasoo markii ay xareysanayeen baasaborka främlingspass laga qaaday faraha iyo indhaha. ilaa hada ma cada ujeedada dhabta ah ee laga leeyahay arintaan iyo in farahaan ay ku xiranyihiin nidaamka loo yaqaan Eurodac ee lagu eego faraha qofka magangalyo doonka ka dalbada Yurub. Waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka in ay ii xaqiijiyaan arintaan iyo in ay faahfaahin iga siiyaan ujeedada ka dambeysa balse wali jawaab kama helin. Si kastaba ha ahaatee haddii farahaan ka soo bixi karaan wadamada kale ee Yurub ayay tani waxay dhabar jab ku noqoneysaa Soomaalidii qaraabada ku imaan jirtay ee wadamada kale u sii gudbi jirtay. Qaadista indhaha ayay u badantahay in laga leeyahay ujeedo la mid ah mida faraha. Haddii aan jawaab ka helo Migrationsverket, halkaan ayaan ku soo qori doonaa. Insha Allah

Faraha & Indhaha oo laga bilaabay safaaradaha

Waxaa na soo gaaraya warar sheegaya in safaarada Sweden ee ku taala magaalada Addis Ababa ay bilowday qaadista faraha iyo indhaha. Arintaan ayaa waxaa noo sheegay dad kharaabadooda ogolaansho la siiyay kuwaasoo markii ay xareysanayeen baasaborka främlingspass laga qaaday faraha iyo indhaha.

ilaa hada ma cada ujeedada dhabta ah ee laga leeyahay arintaan iyo in farahaan ay ku xiranyihiin nidaamka loo yaqaan Eurodac ee lagu eego faraha qofka magangalyo doonka ka dalbada Yurub. Waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka in ay ii xaqiijiyaan arintaan iyo in ay faahfaahin iga siiyaan ujeedada ka dambeysa balse wali jawaab kama helin.

Si kastaba ha ahaatee haddii farahaan ka soo bixi karaan wadamada kale ee Yurub ayay tani waxay dhabar jab ku noqoneysaa Soomaalidii qaraabada ku imaan jirtay ee wadamada kale u sii gudbi jirtay. Qaadista indhaha ayay u badantahay in laga leeyahay ujeedo la mid ah mida faraha.

Haddii aan jawaab ka helo Migrationsverket, halkaan ayaan ku soo qori doonaa. Insha Allah

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

24 Responses

  1. Ahmed says:

    Asc wad salaman tahay jimcale. Aniga iyo qoyskayga waxan galnay interviewga march 2010 hal usbuc kadibna waxa nalaga qaaday faraha iyo indhaha marka waxan u malayna shekadan ineysan cusbayn. Dad farabadan aya jira dhaman laga wada qaday sxbow nahay. Waxan ku weydina dadkas xaqiiji in aan horay looga qaadin ayan umalayna. Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. hassan says:

    asc walaalo jimcale aad iyo aad ban ku salamay sida wanagsan ee aad noola socodsiiso koolba wixii cusub ee jira
    ani waxaan rabaa inaan ku waydiiyo waxaan ahay wiil ay dacwadi utaalay addis markaa farha iyo indhaha ayaa laiga dhiagay waana la ii diiday ka dib waxaan subiyey inaan ku tago si kale ilaahay waa uu fudaydiyey waana imi hada markaa hadaan is dhiibo ma laga yaabaa in laiga helo farihii iyo indhihii la igadhigay addis ababa mise marka främlingspass qofka la siiyo ee dib ísku dhiiba ayey soo baxaan?

    Mahadsanid
    jawaab wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Hassan suaasha aan Migrationsverket waydiiyay waa isla midaas jawaabna kama helin ilaa hada. Waxay ila tahay in aysan macno daro u qaadeyn faraha balse jawaabta saxda ah waan soo qori doonaa haddii aan helo. Insha Allah

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. uma hani says:

    A.S.C sax weey jiran daad horay loga qaday faraha iyo indhaha maha waxa hada la bilabay waayo aniga ilma iyo abahood ayaa iga joga addis ababa wana laga qaday faraha iyo indhahaba 2010 macquul waa laga yaba in midan eey tahay mid aan wadanka sweden hada so gasho adan ka bixi karin lkn kuwi hore waad iska bixi kartay yacni mesha donto ayaa iska dhibikartay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. HAYKAL says:

    waxaan marar badan Akhristaa SOMALISKA page – waxaana u haystaa page-kaan in aay leyihiin Migrationsverget-ka waayo wuxuu ku hawlan yahay been ku habida bulshada somaliyeed warar badan ayaan ka akhristaa page-kaan waxaanse maanta la yaabay FARAHA IYO INDHAHA oo laga bilaabay adiss ababa Taasi waa been aan gabad lahayn Waayo ADISS ABAbA 2009-kii Ayey bilowday FARAHA IYO INDHAHABA ,, Waxaan Kaloo meshan ku arkaa dadkii oo xayiraada raga qaaday Goormaa laga Qaaday Go’aamaba masoo bixine iyo DAD la siiyey VISA adiss ababa , DADOOW Ha dhagaysanina PAGE-kaan hadalkiisa waayo Iska hubiya Wuxuu idiin sheego , Ha noqonina Dad meshii doono Loo Drive -gareeyo Sabura oo Arka marka aad MEDIA -yaha ka maqashan In dadkiina laga qaaday XAyiraada …..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Haykal waa runtaa Somaliska.com migrationsverket ma leh taas waad ku sax santahay balse inta kale waad ku qaldantahay waayo been ku habid bulshada Soomaaliyeed aniga faaido igama soo galeyso qasaare mooyee. Haddii faraha horey loo qaadayay iyo haddii hada la bilaabayba waa war sugan sida adiga aad sheegtay marka intee beenta ku aragtaa?

      Haddi aan adiga reerkaaga sharciga la siinin ama soomaali oo dhan aan loo ogolaan macnaheeda ma ahan in aysan jirin dad la siiyay. Haddii aad fahansantahay Media waxa macnaheeda uu yahay, waa in aan warbixinta kuu soo gudbino, haddii aan soo xaqiijinay waxaan soo qornaa waa xaqiiqo haddii aanan hubin waxaan soo qornaa warar laysla dhex marayo ama aan la xaqiijin.

      Dadku maskax way leeyihiin iyo caqli ay ku doortaan wixii sax ah iyo wixii qalad ah. Soomaalidu way aqristaan websiteyada Soomaaliyeed ee qabyaalada iyo hurinta colaada Soomaaliya ku hawlan maxay kaaga dhageysanayaan in ay aqristaan Somaliska oo ku hawlan mideynta iyo indho u furida bulshada Sweden.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. ahmed says:

    asc dhamaan bahda somaliska mida labaad aniga waxan aqaana gabar ayadoo indha iyo faraha loga so qaaday kampala masane is dhibtay mar labaad oo ayna so bixin farahas waxayna aheed 2010 bishi 2aad wax hada la bilabay maaha faraha qaadista iyo indhahaba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. maxamad says:

    sxb waan kusalamay mr jimcale wax walbo oo inoshegtay waa wax sax waayo bishaan ayaa caruurteyda fomkii adis ababa ka xareeysay faro iyo indhaba waalaga qaday waxaana jeclahay marki hore xitaa walaqadi jiray mana sobaxan sida badan waadna ku mahad santahay bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Abdirashid says:

    Asc dhamaan bahda somaliska gaar ahaan Mr. Jimcaale walaal aad ayaan kaaga mahad celinayaa warbixinta aad mar walba noo soo gudbiso wlhi maalin aan fiirin majirto webside kaan… somali nacayb kama dhamaado waan ku baryaa ha dhagaysan jaahiliinta wali qabiilka kujiro. Illaahey isagaa kaa abaal marinaayo wanaaga iyo farxada aad mar walba noo soo gudbiso, waan ku salaamayaa Jimcaale Noolooow.

    Mahadsanid,
    Abdirashid Ali.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. abshir says:

    asc waan ku salaamay walaal Jimcaale waad ku mahad saqntahay sida hagar la,aanta ah ee aad ula socoto dadka walaalaha ah ee dhibatada ka haysato qoysaskooda oy kala maqan yihiin .
    anigoo ah aabe ay caruur iyo xaas ka maqan yihiin waa meesha keliya een kala socda xaaladda guud ee walaal abaal weyn baan kuu haynaa ee haka caajisin howsha aad umadda walaalahaa ah aad u hayso..
    dadka sida qaldan fikradaha usoo qorana isaga dulqaado waayo dadka qaarbaa xanuunsan ,qaar baa xaasid ah ,qaarbaan maskaxda ka jiran ,markaa walaal dadka inta abaalka kaaga hayso baa badane dadkaa xanuunsan sida Haykal oo kale warkiisa waxba haka soo qaadin .waadna mahad san tahay kun jeer.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. cabdi fataax says:

    ASC WW WAAN IDINSALAAMAY DHAMAAN BAHDA WEBKA SOMALISKA GAAR AHAAN WALAAKAY JIMCAALE SALAAN KADIB WALAAL JIMACAALE WAXAAN RABAY INAA HAL SU,AAL KU WEYDIIYO ANIGA WAXAAN JOGAA S/AFRICA PROCESS AYAA IIGA XARAYSAN SAFAARADA SWEDEN E PRITORIA MARKA TARIIHKDA AAN XARAYSATAY WAXAY AHAYD MARCH 2010 WAXAN BIXIYAY LACAG FEE AH KADIBNA WAXAY ISII YEEN WARAAQO AY KU QORAN TAHAY WAXAAD XAREEYSATAY FRAMLINGPASS ILAA HADANA WAX JABWAAB AH MA HELIN HADANA SIDA AAN LA SOCDO WAXAA JIRTA XAYIRAAD LASAARAY SOMAALIDA OO DHAN OK MARKA WAXAAN RABAA IN OGAADO SIDEEY ANIGA WAX I SAMAYN KARAAN MAXAA CAQABAD IGU AH MAXAASE LA II OGOL YAHAY BRO DADKA ILA MID KA AH RAJO INTEE LEEG BAY QABI KARAAN AAD BAAN U MAHADSAN TAHAY WALAALKAY JAWAAB WACAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. C.qadir says:

    A.s.c.dhaman walalaha somaliyet qasatan mr.jimcale walal waxanqaba hal su al oo dhaman inta iga jahil bixin karta waxan maray wax walba kadib safarada wexey itiri hadi lagudido lacak kumaso noqon donto.ok lakin warqadan sixix o aha hadi lagu dido in ad mar labad aad dacwonkarto.ok walaydiday marlabad safarada lacak maiweydineysa o fii ah jawab,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. saacid says:

    jimcaale ka raali noqo dadkaaga xagxagashaddooda hade see yeelnaa haduu ilaah qaloocaas u dhaliyey sida heykal magaciisaaba fiicneyne.

    Hadda ka hor suaal ayaan ku weydiiyey aheed in la i siiyey reject appealkiina mar kale reject la i siiyey waxaan ku weydiiyey xaalku siduu noqonayo waadna ka cudurdaaratey.
    Hadaba waxaan tagay safaaradii waxaana la i soo dhahay process cusub soo same means you have to apply again.
    Waxey ii raacisey naagta safaarada in ay igula talineyso in aanan hadda mar kale xareynin sababtoo ah waxaa taagan sababtii hore laguugu diidey oo ahed identity gaaga marka lacagtaada iyo waqtigaaga ha iska qasaarin waxaan la leeyahayna waxbaa la ogoladeyna sax maaha hadii ay dhacdona in wax la ogolaadana waqti ayey qaadanee marka taladeyda waa iska dhaaf hadda. Ayey i dhahdey naagta la iigamana tarjumeynin.

    Igama aha inaan warkaaga radinayo sxb laakiin arintii haddda k hor ku weydiiyey ayaan jawaabataas u soo heley. Arinta faraha iyo indhaha la xiriirtana waa la iga qaadey markaas oo aheed 2010 june. Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. saacid says:

    safaaradu waa nairobi kenya, naagtu waxey i dhahdey hadii aad foormka hadda xareyso interviewga three to four weeks ayaan kuu qabaneynaa ka dib waxaa dhici karta ayadoo goaan soo bixin weli in hadana reject lagu siiyo marka iska sug intey wax kala cadaanayaa. Sxb taladaada waa muhiim ma sugaa mise waa iska apply agreeyaa aniga aabe an ahay carur ka jirto sweden. Teeda kale pageka laga helo applicationska waa igu fiicnaan lahaa hadaa ii heli karto email iigu soo dir fadlan. Si aan computer ugu buuxiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. C.qadir says:

    Saacit sxb salan sare waxan kuweydiyay sxb safarada marka labad lacak miyey karabta intese kaxareysay yase kudacwonayay pro thanks jaw

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. abdirashid hussein says:

    asc walalkayow jimcalle iyo dhamanba akhyarta kale ee websitekan,anigu su aal ma qabo hada , lakin waxaa iga yabiyay ninka yiri heykal baa la idhahaa , sxb meeqa marduuf oo qaad ah bad soo cuntay,jimacalow iska dulqaado bro ,waxan aminsanahay in wanag iyo shaqo hufan oo somalinimo ku jirto aad uhayso somalida , marka heykal ookale waxba hadalkiisu yuusan ku dhibin , wabilaahi taqfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Jimcale says:

    Cabdi fitaax: kiiskaaga qaaska ah waxa uu yahay ma ogi balse xaga baasaboorka iyo aqbalaada waxaad la mit tahay soomaalida kale. Soomaalida inteeda badan hada diidmo ayaa la siiyaa waayo maxkamada socdaalka ayaa waqti hore diiday bixinta baasaboorka framlingspass.

    C.qadir su’aashaas jawaabteeda ma haayo sxb. Waxaa ila haboon in aad weydiiso safaarada laftooda jawaab cad iyaga ayaa ku siinaya.

    Saacid: waxaa ila haboon in aad sugto. 2 isbuuc ka dib baarlmaanka ayaa fariisanayaa arimaha socdaalka iyo soo galootiga waxaa la filayaa go’aan shuruuda ka qaadaya Soomaalida in uu soo baxo marka iska sug.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. abdi jabbaar says:

    a.s dhaman aqyaaarta, marka hore sxb jimcaale waad ku mahadsantahay wararkaaga aad noogu soo gudbiso page-kaan , tan kale aqyarta kale ee fikradooda ka dhiibta meshan waxan u hseegi lahaa fikrada qof kasta waa muhiim lakin mahan inaan inaan jimcaale ama cid kale wax ugu sheegno,tan kale hadii uu damac kaga jiro inaad dad kento ama aad imato oo wadan kale iska dhiibto naftaada ku qarso meshaan public-ka ah hala imaan mahadsanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. saacid says:

    Mr Jimcaale mahadsanid, c.qadir sida ka muuqata naagta warkeeda waxaa la iska rabaa lacag cusub sbabatoo ah waa dacwo cusub waana in formka markii aad xareyneysid aad lacag dhigtaa naagta hadalkey i dhahdey ayaad ka garan kartaa oo ahaa lacagtaada ha iska qasaarin that means lacag waa la bixinayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Haykal says:

    Waad salaaman tihiin dhamaan . bacdal salaan anigu ma waxba kama sheegin shakhsi balse way ku haboonayd in aan idinku dukado qaybtiin oo an wax idinka sheego waayo qayb idinka mida noloshay aduunka kaga nool yihiin mahan mid ay u qalmaan waayo page-kaan public-ga ah ayey leeyihin naag baan khad ka ibsaday iyo sweden xareeyey o wa iso bixi wayday kadibna wan tahribay ila an saas ku galay sweden e faruhu ma iga so baxayaa waar madadkaas ayaa wax qabsan kara waa maato ninka aniga jaahilka igu shegaya ha ogaado in uu u calool waramay page- sirtiisuna banaanka taal waayo jaahilku , he doesn’t know nathing about life guidence. mida kale dhaliishu waa wax wax ku hagaagan . waxan page-kaan ku dhaliilay waa hadalo badan oo an khalad u arkayey oo muuqda sida finger print-ta laga bilaabay safarada adiss ababa jimcaale indhihisu ku arkaa dadka badankoodu waxay leyihin in anan hada la bilaabin ee mar hore ahayd . dadka aniga idhahaaya qabyaalad ayaa wada ama u hadlaysa niman yahay waxad tihiin ma aqaan idinkuna waxaan ahay mataqaanan meeshana kuraaz laguma qaybsanaayo . ee wax barta oo hadaladiina iyo sirihiina control-la and all keep it mind jaahilnimadu marbay bohol kaa ridaa . Saacid ninka la yiraahdow waxad ka hadashay dhamaan sirahaagi oo dhan , you have no deserve 2 be a life longer .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. saacid says:

    haykal waad mahadsantahay laakiin inaad i fahamto baa u fiican, sababtoo ah wax sir ah oo aan ka hadley ma jirto inaan process bilaabey wax kasta oo aan sheegeyna ay sax tahay oo aanan ku soconin dacwad fake ah marka sirta ma waxaa weeye inaan runta sheego coz cid dacwo ii heysta ma laha wixii aan arkay dadkii ila midka ah ee ku warersan iney forum-kan uga faaideystaan aniga hadda ka hor waxaan u baahnaa meel aan wax ka bilaabo markii aan soo ogaadey dadka ila midka ah ee ku wareersan iney ka faaideystaan baa loo baahanyahay wax sir la dhaho iyo xaasidnimona ma jirto coz aniga wax aan qariyo ma jirto oo meesha yaalo wixii iga maqan si aan u raadsado waan aqaan wixii aan ogahayna sida loo sheego waan aqaan marka wax sir la dhaho ma jirto adiga waxaad taqaan ama aad ogtahay iska heysto sir hakuu ahaadaan laakiin aniga sir ma lihi tuugna ma ahi waxeyga waa sharci pro. xitaa hadii ay sir tahay ii sheeg kumaan ahay ina ayaan ahay sawirkeyga waa kee no way mar aad u sheegto sir iyo waxaan loo joogin aniga sir ma lihi waan ku celinayuaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. lucky says:

    scw marka hore aad ayaan u salamayaaa bahda somaliska wanay mahadsanyihiin gaar ahaan jimcaale oo ku hawlan sida uu wixii war ah ee cusub ugu gudbinlahaaaa bulshada somaliyeed ee lakala xayiray intaa kadib walaaal jimcaale anigu waxa aan ahay gabadh ay dacwadi ka taalo adis ababa 2010 kii ayaana la iga qaaday faraha iyo indhahaba faraha la iga qaadayna waxa ay ahaayeen 2 farood oo kaliya oo labada gacmood kala ah hadaba ma ii sheegi kartaa in kuwii uun la qaadayo iyo in 10 ka farood ba la qaadayo sidii uk safaaradeeda oo kale hadii aanad wax war ah u haynin insha alaaah waxa aan rajaynayaa in aad iis oo ogaato jawaab aaan ku qanco na aad isoo siiso insha alaaaah mar labaad aad ayay u salaamanyihiin bahda somaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. najma says:

    asc dhamaantina.ugu horeynta waxaan salamaya jimcaale.waa mahadsantahay dadaalka ku jirtiid.allena haa kula garab galo.waxaa kalo leyahay dhiibkaan waa mid leysla qaba somaliyo dhaan waa in qof waliba qofka kale wuxuu ku dhamo uu shego mana ahaan wax sira ile maanta waa wada xayiranahay qofki ka maqaan yahay caruur iyo qofki ka maqaan yahay nin ama naagtisa ee somaliya jiriin wax dowlad uu dodeyso dadkeda an isku doodno ee an firino dacaadnimo iyo alle ka cabsi oo qof waliba ogado aduunyo in laga tagayo wax kaastana an firino wanaga wixii xasiidnimana meel an iska dhiigno ile tada kaliya lama firiye waxaa la firsha kaan walaalka sida gul ku heshiid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. caydarus says:

    asc waxaan qabaa suaal ku sabsan fara qaadista waxaan rabaa in aan idin weeydiiyo dhamaan bulshada iyo aqayaarta gacanta ku heeyso webka faraha laga qado qofka markuu uu baasaboorka qaadanaay maxeey alla jeedaan waxaan idinka codsanaa qof walboo wax ka og in ey iga so jawaba bahda webkana in ey emailka ahaan iigu soo qoraan aan ka codsabnaa mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0