Fardoowsa Ibraahim, gabar kala kulantay dhaqtaradeeda midabtakoor. Sawirka: ANDERS DEROS/Aftonbladet

Fardoowsa Ibraahim: “Dhaqtaradda waxeey igu tiri qimaarka iska dhig!”

Fardoowsa Ibraahim, waa gabar 23 jir ah oo xanuun haya awgiis u tagay rugta caafimaadka Capio ee xaafadda Mölndal, si loo siiyo xanuun baa’biye ayuu dhaqtarada ku tiri “iska dhig qimaarka!”.

Wargeyska la yiraahdo Aftonbladet  oo maanta warbixin qoray ayaa sheegay in Fardoowsa oo tagtay rug caafimaad  oo ku taala Mönldal, in  loo qoro xanuun baa’biye ayaa la kulantay diidmo iyo in lugu amro in iska siibto xijaabka u xiran.”Waxeey igu tiri dhammaan dumarka muslimiinta ah weey iska dhigaan xijaabka marka ay halkaan yimaadaan” Sidaas waxaa u sheegtay wargeyska Fardoowsa oo ka careeysan falkii dhaqtaradda kula dhaqantay ee la xirriira xijaabkeeda.

Fardoowsa waxaa ay sheegtay in ay ka mid tahay dadyowga siiya lacagta oo aysan xaq u laheyn ineey kula dhaqanto xushmad la’aan. Waxeey sidoo kale sheegtay in eey dacwo ugu tagay madaxa xarrunta oo qudhiisa sheegay in habkii loola dhaqmay aanu aheyn mid quruxsan. Hase ahatee dhaqtraraddii markale u ugu timid dood iyo buuq intii ay la hadleeysa madaxa, balse isha ka fiirsanayey oo kaliya buuqa meesha ka dhacaya. Ugu dambeyntiina waxaa ay sheegtay in ay  ka soo dhaqaaqday  rugtii caafimaad kana war qabin in dhaqtaradu u qortay daawo iyo in kale.
Dhinaca kale Stefan Bremberg, oo ah madaxa xarruntaasi caafimaadka Capio närsjukvård, ayaa isagoo wargeyska u waramaya sheegay in dhaqatarada falkaas geeysatay ay xaaladeedu wanagsaneyn islamarkaasina diiday in ay la hadasho isaga ka madax ahaan. Beremberg wuxuu tilmaamay in uu la xirriirayo Fardoowsa, siddii hadal qabyo ka ahaa loo sii amba qaadi lahaa. Ugu dambeyntiina wuxuu carabka ku dhiftay in uu ka xun yahay falkii dhacay baaritaana ay ku sameeynayaan sida ay wax u dhaceen. Fardoowsa  oo carro iyo xanaaq ka muuqdana waxaa ay hadalkeeda ku soo koobtay  in dhaqtaradu xaq u laheyn ineey sidaas kula dhaqanto bukaanka u yimaada islamarkaasina sharciga ay u qawaaniinta bukaan socodka u dagsan ay dhaqtarada qudheeda hareer- martay.
Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Dr QootoQooto says:

    Haweenaydan xanuunsan iyada ayaanan xiitaa diinta islaamka sifiican u aqoonin.
    Diintu way ogoshahay in aad tusto jidhkaaga meesha ku bukta dhakhtarka .

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

    • Cilmi says:

      Waa u taqaanaxariste diinta si fiican gabadha lkn dhaqtaradu waxey ka careysantahay in xijaab la qaato. Kalkaalisada baartay marka hore. Dhaqtarada waxey ugu taktay iney daawada u qorto oo kaliya. Cunsurinimo waa waxeey wado naagta dhaqtarada ah.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. Saafi says:

    Asc walaalo yaal. Aniga waxan oran lahaay walasheey qamarka iska dhiig aa kubaare dhiib maleh. Lakiin hadey tahaay qamaarka kuso siib banaanka intaadan isogalin waa qalad wana ineey daceysa ilaa mesha u dabeeyso ee awoodo ama uga arsan karto waa diskriminering max kamadisa inshaa Allah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. luul says:

    asc
    dadkan naceybki ayaa intuu ka batay ayuu ka soo burqanayaa
    aniga sidaas oo kale ayaa igu dhacday lkin dhaqtar meysan aheyn
    waxan shaqeeyay sommarjobb beryihii aan shaqeynayey ayey sheefadii su aal igu waashay oo ku saabsan qamaarkeyga iyo soonkeyga waxan ku iri aniga waxan anigo yar ayaan bilaabay dhibna iguma aha cidkalena dhib kuma aha

    kedib wakhtigeygii markuu dhamaaday ee aan sugayey in ey jaanis i siiyaan ayey warbixin qaldan u gudbisay xarunta weyn ee kommunka oo ey leedahay afka ma taqaan ee waa in ey soo barataa svenska shaqadana waxaa ka shaqeeya dadka cusub oo mid af lagu xiro maaha masha allaah aniga sfi waa dhameyey

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. Umyuusuf says:

    Dr qooto qooto iyo saafi ma adaan fahmina warka si fiican u aqriya. Gabadha qamaarka dhig aan ku baaree lama dhihin ee waxa la yiri maxaa u wadataa naag qamar leh markan arko waan xanaaqaa oo ciil baa iga qabto. Marka wixii dhiigag iyo baaritaan waa laga soo qaade oo kalkaaliyasha ayaa u dhameeye ee läkaraha recept uun beey ka rabtay. Waa cunsuriyad naagta wane waxa wadanka ku so badanaya tyvärr😕😕

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Fardusa ibrahim says:

    Asc walalayaal qofkale arintaan ku dhacday waa aniga .Warbahinta Ayan si qalad Warbahinta ayaa si lagu wararaya usoo qadatay .Markaan tagay mesha dhaqtarada waa la kulmay ka dib ayaay ii dirtay meshaa dhiiga lagu qaado waxayna igu tiri anaa ku yeeraya ee marka dhiiga laga qaado bananka fadhiiso ,ok ayan ku dhahay ka dib waay ii yaartay markaan fadhistay ayaay igu dhahday daawo Ayan ku qorayaa computer ka ayay ku jesatay ,hada intaay isoo fiirisay ayay igu tiri xijaabka ma qurxano ee iska dhig ,markaas Ayan ku dhahay maxa ka wadaa,waxay iigu jawabtay naagihinaan muslimiinta ah intaad xijaab wadataan waligeen ma helayno wax sinaan ah ,wadankan inaa xijaabkina la imataan ma ahayn ,ee markale ka fakar inaadan xijaab soo qadan .Xitaa waan u jawabi wayay wayo hadalka igu kala jaraysay markaan is iraahba hadal.Igu dambeeyntii waaan istaagay waxan ku dhahay aaway qofka isbitaalka masuulka ka ah markaas beey iigu jawabtay waqti kuuma hayo adiga.Waanka soo tahay mesha hore ee balanta laga qaato wiil fadhiyaa Ayan ku dhahay aaway chefka ?intuusanba ii jawabin iyada iga daba timid hadan igu dhahday si cod gaaban waqti kuuma hayo wuu mashquulsanyahau ,Markaas Ayan ku xanaqay oo chefkina soo soo baxay ,soo bax ayuu igu tiri waxa dhacayna iisheg wayo ma aasan rabin in aay dadka bukaanka åh ee masha balanta kulahaa inaay Na maqlaan.Kadib wan racay wuxuu igu dhahay qalad Waye waxay samaysay anaa lahadlayo wana kula soo xirirya raali noqo ,anigoo soo bixi rabo ayaay qolka inteey noohu soo gashay qaaylo bilawday aniga wax ka samayay malahan runtaa ku shegay iyo wax sidaas ah AnigaNA waan xanaqay chefka ku dhahay oo sidan raali miyaa ka tahay isagana wuxuu iigu jawabtay hada wax må samaynkaro, wana ka soo tagay . Marka walalyaal aniga dhaqtarka haduu i dhoho dharka wada dhig uu i daawaynayo waan ogahay ineey wax dhib lahayn xitaa diiniyan hadeey xanuun imaado lakin waxay samaysay waa wax aad u qaldan waana cunsuriyad lakin ma ahan bukaankeeda inaay saas ula dhaqanto ,aniga waxan dhihi karo waanba dhahay lakin waxan u dacwayay waxay ahayd inaaysan qof dambe saas ku samaynin .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  6. Umyuusuf says:

    Masha allah abaayo waad iska celisay, Somalida ku nool wadankaan hadey sidi adiga stark u ahaan lahaayeen heer baan gaari leheen lkn nasiib xumo dad daciif ah oon xaqooda dhacsan karin ayaan u badanay ilaah shartooda hana dhaafiyo kuwa xun ee wax midab takoora☺☺

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. ahmed says:

    kusodhawada walalyala qolka dawah ilalah dhaman inta jogta qurbaha iyo uk iyo canada iyo nawaxigeda walayal waa qol diniya waxad kyuso gashan num,mberkan markad garacdan numberka dheer waxad galisan pinka ama furaha 222# ad iyo aad ban idin kuso dhawaynayna walalalayalm gacmo furan kuso dhawada
    712-432-3552 or
    712-432-3564 or
    712-432-3566 or
    712-432-3582 or
    712-432-9906 or
    712-832-5220
    UK:443301240262
    Canada: 774-556-8102

    waa qol; diniya o furan 24 hours 7 days waxa laga barta cilmiga quranka tafsirka
    waxa kabaxda arimaha bulshada sida ilatali iyo fatawada iyo kutubio qofki danaynaya
    ha ilaso xidhidho viberka
    ahmed yasin
    tel 612-876-1077

    aad iyo aadbad umahadsantihin dhamantin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0