Fashil ku yimid siyaasadii iyo rajadii xisbiga SD

4

Sanad ka hor ayay ahayd markii ay baarlamaanka soo fariisteen xisbiga siyaasadooda ku dhisantahay cunsuriga ee lagu magacaabo SverigeDemokraterna (SD) iyadoo xiligaas la filayay in ay noqon doonaan kuwo si degdeg ah ku kobca oo la mid noqda xisbiga ka dhisan Denmark ee lagu magacaabo Folkpartiet kaasoo mudo 10 sano ah saameyn ku yeeshay siyaasada soo galootiga ee dalkaasi.

Hadaba sidii SD ay fileysay ayaan dhicin oo mudo sanad ah ka dib ayay qirteen in sidii ay wax u rabeen aysan u socon. Isbuucaan ayaa waxaa kulan uga furmay xisbiga magaalada Göteborg halkaasoo lagu soo bandhigay in la badalo fariinta ururka oo markii hore ahayd wadaniyad hadana loo badalo muxaafid. Inkastoo aysan isbadaleyn cunsuriyadii iyo naceybkii ay u qabeen soo galootiga ayay hadana waxay doonayaan in ay dadka ka iibiyaan magaca xisbiga.

Arintaas ayaa ka dambeysay ka dib markii dhowr caqabadood oo waaweyn ay la soo darseen sanadkii ay baarlamaanka ku jireen kuwaasoo dhaliyay in ay codbiyaashooda hoos u dhacaan. Caqabadahaas waxaa ka mid ahaa heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ay gaareen oo wadada u furay in wixii socdaalka iyo soo galootiga ku saabsan ay ka wadashaqeeyaan labadaas xubnood taasoo irdaha ka xirtay saameyntii SD. Waxaa kale oo dhabarjab weyn ku noqday qaraxii ka dhacay Norway oo uu fuliyay nin iyaga siyaasadooda taageersan.

Intaas keliya ma ahane, xitaa waxaa bilowday in iyaga dhexdooda uu isqabqabsi ka dhexbilowday taasoo dhalisay in mid ka mid ah xubnihii baarlamaanka ugu jiray uu isaga baxay iyaga oo hada ay haystaan 19 xubnood oo keliya.

Si kastaba ha ahaatee lama dhihi karo SD guud ahaan way fashilmeen sababtoo ah waxaa jira arimo ay saameyn ku yeesheen sida in ay indhaha ku soo jeediyeed soo galootiga oo tooshka ay nagu daareen. Waxaa kale oo dhacday in siyaasiyiin horey aad u soo dhaweyn jiray soo galootiga ay bilaabeen in ay ku hadlaan hadalo la dhihi karo waa hadalkii SD. Siyaasiyiintaas waxaa ka mid ah Gudoomiyaha magaalada Malmö oo ku baaqay in soo galootiga la siiyo baasabooro ku meel gaar ah.

Ugu dambeyntii dadka quburada ku ah arimaha siyaasada ayaa aaminsan in aysan SD hor u kac weyn sameyn doonin balse aysan sidoo kalena meesha ka bixi doonin oo ay mudo dheer joogi doonaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here